Nuxurka Buuga (The Compound Effect) Q/1aad.Soo Ururintii: Axmed Cali Kaahin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Buuga (The Compound Effect) Q/1aad.Soo Ururintii: Axmed Cali Kaahin.
September 29, 2020 - Written by Editor:

Buuga Waxa Qoray Darren Hardy oo Maraykan ah kuna takhasusay horumarinta iyo dhiirigalinta dadka sidoo kale Maamula warsidaha caanka ah ee ka warama dadka guulaystay lana yidhaa Success magazine. Xilal badan qabtay iyo tababaro caalamiya, halka uu buugaad doorana qoray kana mid (take charge of your life) Horumar badana gaadhay isagoo da’yar.

Jaldiga buugu wuxuu ku bilaabmayaa erayo dhiiri galin ah, sida goor kasta loo guulaysto, iyo qorshe mustaqbaleedka koobaad ee lagu gaadho yool taasi oo tartame kasta kaga saraynayso, haddii ay kaa ildheeryihiin, caqli badan yihiin ama xirfadoodu kaa gun dheer tahay,  Iyo kaliya in aad tirtirto caadooyin kaaga qaloocan iyo qaar aanad ogayn oo horumarkaaga liicinaaya balse aanad dhaadayn, iyo in aad rakibato si xanuun lahayn hab’dhaqano aad joogtayso kuuna kaxayna in aad si mug leh u ruqaansato.

Sidaa daraadeed buuga bud’dhigiisu saamaynta ay leedahay waxa la joogteeyo, iyo dhitadaasi siday kuu anfacayso ama kuu khaarajinayso.

Cutubka 1aad: Natiijada Falgalinta Dhitaynta

Guushu maaha sixir ama qaaciido sir ah, xaqiijintuna maaha nasiib ee waa ka lib iyo biyo keened aad ka gun gaadho waxqabadyo waxtar leh oo aad joogtayso, noloshuna waa shaybaadh shakhsiyadeed, daraasadayn, iyo baadhin cilmiyeed. Joogtaynta saamaynteedu waa dhaqaajiyaha iyo habraaca ku gaadhsiinaya sida loo hantiyo baahida iyo doonistaada taasi oo go’aamo yaryar baa qaabeeya noloshaada, is badali’duna waa gudaheena.

Sidaa daraadeed waa in aynu nolosha gilgilnaa oo ruxnaa si wax natiijo fiicani uga soo daataan iyo yididiilooyin wacan oo mustaqbal, haddii aad iska fadhido sida talaagada uun baad qaboobi oo qaboojiya noqon doontaa..

Gilgilashadu waxay u baahan tahay in aad dabar jarto malayaasha xun, daarto u heela’naan halka go’aan kastaana waxa uu go’aamiyaa sida noloshaadu u ee kaanayso, hadda bilaw kana faaiidayso habraacyada, mana jirto rasaas sixiri ee waa maxsuulka habdhiskaaga maamul ee saamaynta dhitaynta, ama waxaad maalin kasta qabato.

Waxba maleh waxaad bartay, ama qorshaysay,  iyo hababka aad ku dagaal gasho, natiijada guushu waa saamaynta dhitooyinkaaga, waxaad joogtayso.

Mar uu qaadaa dhigaayay qoraagu sida loo gaadho cida kaa horaysa ama kula tartamaysa kaliya waxaad u baahan tahay in shaqadaada maalin laha uun aad laba jiraarto, kana fogow dadka mayada yaqaan

sidaa daraadeed in marmar aad kali socod noqotaa waa guul waana ta iga dhigtay buu sheegay qoruhu in aanan waligay isticmaalin maandooriye qoraagu. Waxa xigi doona Q/2aad.

Soo ururintii : Axmed Cali Kaahin

aakaahin@yahoo.com

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

COMMENTS
LINKS