Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Maxamuud Cabdi Malow Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Maxamuud Cabdi Malow Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.
October 1, 2020 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdi Faarax (Maxamuud Cabdi Malow) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 01/10/2020 caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa dhamaan qoyska reer Cabdi Malow.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug-cadaaya oo xilal kala duwan oo ilaa heer wasiir ah, ka soo qabtay qaranka Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

COMMENTS
LINKS