Nuxurka Buuga (The Compound Effect).Q/2aad!Soo Ururintii:Axmed Cali Kaahin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Buuga (The Compound Effect).Q/2aad!Soo Ururintii:Axmed Cali Kaahin.
October 2, 2020 - Written by Editor:

Waxay inoo joogtay in qoraagu sheegay in aanu waligii maandooriye isticmaalin taas oo saaciday horumarkiisa. dhinaca kale wuxuu soo ban dhigayaa qaaciido uu hindisay taasi soo tilmaamaysa in shoqo yar, laguna ladhay doorasho, iyo dhitayn wakhti la socdaa natiijada ay dhalayso, qaaciidadiina waa tan.

Shaqo yar +Doorasho hibo leh +Joogtayn +Wakhti = Isbadal Taabogal ah

Qoraagu wuxuu tusaale inoogu soo qaatay haddii lagu dooran siiyo adiga iyo saxiibkaa in idin ‘siiyo (3 milyan oo dollar) iyo in maalin kasta lagu siiyo (1 dollar oo markasta bil gudaheed laba jibaar maya) kee baad dooran lahayd?

Haddaba dhugo qofka qaatay (1 biiraya ama maalin kasta labba jibaar mayaa) wuxuu haystaa Wiiga saddexaadba (3 milyan) marka 31 cisho dhamaadaana waxaad haysataa lacag ka badan (10 milyan) halka wali saxiib’kaa ka haysto (3 milyan).

Hadda waxa khasnadiisu tahay 10 milyan kii 1 doolar qaatay halka kii kuuska buuran ee wayn qaatay uu wali halkii fadhiyo 3 milyan ahayd ama wax kasii dhaceen kharashaadi. Waana natiijada waxa la dhiteeyo ama la joogteeyo in ay ka qiimo badan tahay miisaan buuran oo lacaga ama dahaba oo aad mar heshaa.

Haddaba waxaad adigu joogtayso qiima heeda weeyaan, waxaanad ku dhererin kartaa kaalin kasta oo noloshaada ah. Qof jaamacad bilaabay iyo qof ilaa dugsigii dhexe hoose sare ilaa jaamacad, aad bay u kala fogyihiin haddaan soo dhawayno macnaha.

Dhitaynta ama joogtayntu waxay saamaysaa dhinacyo badan sida dakhligaaga, fayo’qabkaaga, xidhiidhkaaga, farxadaada, waanad saadalin kartaa cabiri kartaa natiijada aad heli karto markaad u kuur gasho wax qabad yadaada joogtada ah. Dhamaan qodobadaasi waxay ku xidhan yihiin doorashaddaada iyo caadadada iyo habdhaqankaaga, waxaana jirtay sheeko la yidhaa Rihii biyuhu ku’kulaanayeen ee ku dhex jiray disdida, mar kasta biyuhu way sii ku’lulaanayaan haddii uu sii dhex fadhiyo wuu shaaxidi haddii uu ka boodana wuu badbaadi.

Shaqo’galinta saamaynta dhitaynta waxa inaga caawin kara talaabooyinka. 1.Qor talaabooyin noloshaada xaga wacan u badali kara. 2. Qor talaabooyin hoos u jiidi kara noloshaada 3. Qor xirfado aad ku fiicnayd tagtadii hore.

Cutubka 2aad: Doorashada

dhamaanteen adduunka waxaynu nimid inagoo isku mida oo baqanayna, jaahiliina “waxaynu noqonaa is ku gaynta dookheena,” waxaad dooranaysaa dookhaaga kadibna isagaa ku haybnaaya, dhacdooyinkaasi uun baa qaabeeyaa guushaada iyo guuldaradaada, kana takhalus dhaqanka faro ku fiiqida cid kale khuseeyana dib u dhacaaga, ta kale waxaad barataa in dhacdooyinka xaga quman ka fiirsato ama aad ahaato samo arke wanaaga uun fiirsada.

Waxa uu qoraagu kusii daray “in aad masuul ka noqoto waxaad qabanayso, sidaad u qabanayso iyo sidaad uga jawaabayso,” ganacsada caanka ah eer Richard Brndson oo u waramayay jariirada Success Magazine wuxuu sheegay “ in aanu jirin cid nasiib wanaagsan iyo cid nasiib xun, balse kaliya fursadu markay timaado uun baan ka faaiidaystaa”

“Nasiibku waa marka fursada iyo diyaar garawgu kulmaan”

In aad nasiib kaagu shaqeeyo iyo  qaacida guud oo uu soo ban dhigay F:G Nasiibka Allaah (swt) ayaa maamula ee waa waddada lagu gaadhayo shaqo tayo leh.

Diyaar garawo (Qaan gaadhnimo nafeed) + Qiyam (Dhan ahaan) + Fursad (Wax fiican oo kugu soo fool leh) + Ficil ( Samayn wax ku saabsan) = Nasiib

Arnold wuxuu sheegay “in markasta oo aan joogteeyo Shaqo nasiib kaan helaa” halka Richard uu sheegay “ in aanad arkay waxa aanad eegin, eeginamaysid waxaand xiisaynayn” waxa qoraagu kusii daray in Maalinta qofku qaan gaadho ee uu caruurnimo ka baxo tahay “maalinta uu naftiisa boqolkiiba boqol masuul buuxa ka noqoto” waana in aad raad gurtaa dhacdo kasta oo noloshaada ah. Waxa xigi doona idamka Rabbi Q/3aad.

Soo ururintii : Axmed Cali Kaahin   

aakaahin@yahoo.com

 

COMMENTS
LINKS