Hogaan Xumo Waa Waxii Jamhuuriyadii Somalia Kala Dilay, Ee Isku Dilay Ee Halkaa La Taagan Yahay 60 Sano Ka Dib Ina Dhigey!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hogaan Xumo Waa Waxii Jamhuuriyadii Somalia Kala Dilay, Ee Isku Dilay Ee Halkaa La Taagan Yahay 60 Sano Ka Dib Ina Dhigey!!
October 2, 2020 - Written by Editor:

 “Doorashooyinka Soo Socda Ee Somalia Ma Noqon Karaan Qaar Gobolka Geeska Africa Wax Ka Badela?Maxamed Dhimbiil

Dhaqanka siyaasadeed ee loo yaqaan qaybi oo xukun iyo reerba reer kale ugu tilmaan in ay cadawgooda yihiin waa dhaxal xun oo ka soo jeeda gumeyste iyo dawladihii la soo shaqeeyey waana waxa maanta soomaali kala diley ee halkaasi kala geeyey.

Marka aad raad raacdo waxii soo dhacay oo dadka soomaaliyeed meelkasta oo ay ku nool yihiin ku yeeshay saameyn taban waxa ay ahayd dawladnimadii oo xidhatey shaadh qabiil si loogu muquuniyo qabiilo kale iyo dawlado shisheeye oo danahooga ka dhex fushanayey maadaama soomaalida loo arkey dad gardarooleyaal ah ( Aggressive).

Dalka Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan beesha isaaq waxa lagu xasuuqay oo loogu awood sheegtay dawladnimadii, qaranimadii , calankii iyo cududii jamhuuriyadii Somalia,  sidaasi oo kale ayaa beelo kalena loogu adeegsaday oo ay beesha majeerteen iyo Hawiye ka mid ahaayeen walow aan khasaarihii iyo dhibtii reer sheekh isaxaaq gaadhay aanu gaadhin beelahaasi kale.

Dadka qaar ayaa ceeb u yaqaana in la sheego waxii soo dhacay iyo jariimooyinkii la kala galay  , ceeb maaha waa taariikh u baahan cibro qaadasho, ka digtoonaan in aanay mar dambe dhicin iyo sidii loo bogsiin lahaa ee looga garaabi lahaa khaladaadkii iyo dambiyadii ka dhanka ahaa xuquuqda aadamaha ee laga galay dadka shacbiga ah laguna gallay magacii qarankii umadu wada lahayd.

Waxaasi waxa sameynayey koox ilaashanaysa awoodooda dawladnimo iyo madaxtinimada ay haystaan oo ah dantooda gaarka ah , ilaa ay gaadhay in soomaaliyi beel beel isku disho oo la kala dhinto,  amaba ay dawladu labadii beelood ee ay u aragto in ay danaheega ka soo horjeedaanba dagaal beeleed dhex dhigto.

Waxii dhibaato soo dhacay ee ay Somaliland ku waxyeeloobeen dad maati ah oo dumar , caruur,  dad waaweyn iyo biri ma gaydo ah oo lagu qiyaasay 50 kun oo qof , marka laga reebo boqolaal kun oo barakacii iyo dhibaatooyinkii,  xanuunadii iyo qaxootiyadii iyaguna ay gaadhay saameyno kala duwan oo badani.

Waxii dhacay ee soomaali dhex maray la isagama garaabin,  la isma saamixin,  la isma calool xaadhan oo lama bogsiin nabaradii iyo xasuusihii xumaa ee umada soomaaliyeed meelkastaba ha joogeene gaadhay, dadkii gallay ayaa meelwalba soo taagan oo qaarna marka ay dhintaan lagu sheegaa halyeyo qaran oo calanka Somalia la huwiyaa maydkooda.

Qadiyada Somaliland ee dib ula soo noqoshada madax banaanidu waa mid ka duwan taasi oo ku fadhida sharciyad iyo garnaqsi caalamiya oo taariikheysan in wax la isku qaldona maaha ee arimaha noocan ahi waxa ay u baahan yihiin si miisaan leh oo ka madax banaan siyaasada maanta taagan loo eego.

Dawladnimadii ay somali isku darsatay waxa janjeedhsaday koonfur oo dadkii waqooyi ee calanka iyo dawladnimada iyo kalgacaylka ula tagey cidi waxba isagama tirin,  sharciyadii wax lagu wadaagi lahaa bilowgiiba waa la laalay,  dastuurkii dalka lagu dhaqayey dadka Somaliland oo isku dhani marka boqolay laga dhigo 1961kii 66% way diideen hadana la iskuma joojin.

Soddon sanadood oo midnimo soomaaliyeed ahaa 15 ka mid ah waa la isku dhex haystay oo jabhado dagaalo iyo dib u xoreyn , maamulka iska dhicin baa lagu jiray,  markii ay burburtayna  waxba la isma weydiine halkiibaa qiiro iyo qaranimo soomaaliyeed laga sii bilaabay oo kolba heeso iyo shirar lagu soo qabtaa dalka dibadiisa.

Somaliland oo dib u heshiisay oo wax qabsatay halkii la garab istaagi lahaa ayaa hadimeynteeda iyo isku dilka dadkeeda laga soo shaqeeyaa si ay ula mid noqoto Somalia oo ay u burburto ama loo waayo amni iyo kala dambayn oo jaantaa rogan loo noqdo , wali soomaaliyi danteeda kama tashan ee markii la arkay in ay jabtay ayuu haadku isugu habar wacday oo ay cidwaliba danaheega ka dhex fushatey,  walaalkii kali ahaa ee taageeri lahaana la rabaa in la ragaadiyo oo aanay fahmayn.

Waxa ayaan daro kale ah in madax iyo dad waaweyn oo Muqdisho joogaa ay si jees-jees iyo ciyaar ah qadiyada Somaliland uga hadlaan iyaga oo dhaliil ka dhigaya in ay soddon sano aanay meelna u socon , kuwa sidaasi u hadlaya waxa dalkooda ku dhex ilaaliya 30 kun oo askari oo ajaanib ah oo aduunka oo dhan ka kala yimi.

SODDON SANO OO KALE KA DIB MUXUU NOQONAYAA XALKA JAMHUURIYADII SOMALIA EE KALA NOQOTAY JAMHUURIYADA SOMALILAND IYO JAMHUURIYADA FEDERALKA SOMALIA ?

Waa su’aal maanta aduunka oo dhami isweydiinayo maadaama lagu daalay arimaha soomaalida oo soddonkaa sanadoodba lagu mashquulsanaa sidii koonfur dawladnimo cagaheega isku taagta looga dhisi lahaa si loo helo qarankii jamhuuriyadii Somalia.

Wali aduunka iyo dadka danaynaya arimaha Somalia iyo Somaliland kamay fekerin in xal wanaagsan oo ay noqon karto laba dal oo walaalo ah ama laba qaran oo aqoonsi caalamiya caalamku kala siiyo ( Two state solution  ) oo aan marnaba xaga aduunka ka iman.

Sidaasi oo kale la isma weydiin hadii xalku yahay hal qaran sidee loo suuragalin karaa,  macquul ma yahay in la sameeyo,  sidee ay suuragal u tahay umad dawladnimo dastuur calan ciidamo iyo qaranimo kale saneysatay in la yidhaahdo ku soo noqda dawlad kale oo ay kala tageen 29 sanadood ka hor ?

Xataa danta dadka soomaaliyeed maxay ku jirtaa la isma weydiin waligeed sababta oo ah shantii soomaaliyeed gobol ka mid ah ayaa loo sameeyey nidaam federal ah oo aan sinaba ugu munaasib aheyn marka aad eegto jamhuuriyada federalka Somalia oo ah hal dad iyo hal dal oo kaliya ( somali ) isla markaana ah gobol ka mid ah shantii soomaaliyeed.

Waxa kale oo aan la isweydiin wali dagaalka Somalia ka socda Argagixisada iyo dawlada yaa wada xagee uu ka yimid argagixisadani Somalia joogtaa xagay ka timi, maxay rabaan, yaa tageera oo ay dabada ku hayaan iwm , bal si horta koonfur oo kaliya amni iyo dawladnimo loogu soo celiyo.

Maanta oo halkaasi la taagan yahay wali soomaalidu runta iskuma sheegin gudaheega , xataa qofka aaminsan midnimo soomaaliyeed waxa laga rabaa bal suuragal nimadeeda ileyn in iyada oo la soo jeedo la riyoodo ma aha e .

SOMALIA IYO DOORASHADA KU SOO FOOL LEH MA JIRTAA DAD AAMINSAN ARAGTI KA DUWAN TAN 30 SANO LAGU HAWLANAA EE SHAQEYN WAYDAY !

Somalia waxa la rajeynayaa in ay doorashooyin ka dhacaan dhowaan , ilaa hadda dad badan ayaa axsaab siyaasadeed furtay oo raba in ay Somalia hogaaminteeda soo socota yeeshaan oo loo doorto Madaxwayneyaal , haddaba dadkaasi ma jirtaa cid la iman karta aragti ka duwan tan 30 sanadood lagu hawlanaa?

Waa su’aal hortaala waliba inta talada soo martay ee og waaqica jira mucaarid iyo muxaafidba ha ugu horeeyo Sharif Sheikh Ahmed , ha ku xigo Hassan Sheikh Mohamud , Madaxwaynaha hadda talada jooga oo isagana laga yaabo in uu soo istaago Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo waliba raisal wasaarihii hore Hassan Ali Khaire oo sheegay in uu Madaxwaynaha u taagan yahay.

Waxa jiri kara dad badan oo saameyn siyaasadeed leh oo qarsoon kuwaasi laftooda maxaa uga meel yaalla arimaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Somalia oo ah arin u muhiim ah Gobolka Geeska Africa oo dhan in xal loo helo si Gobolku hore ugu talaabsado .

Hore waxa sanadkii ugu dambeeyey u gallay  Raisal wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Ahmed Ali  iyo Madaxwaynaha Djibouti Ismail Omar Guelleh oo isku keenay labada Madaxwayne ee Somaliland iyo Somalia Farmaajo iyo Muse Bihi Abdi wax midho dhali ahi kama soo bixin labadaa Madaxwayne iyo Raisal wasaare ee gallayna midkoodna libintaasi waa qaadan kari waayey ayaan is leeyahay.

QALINKII; Mohamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS