“Miyay Wali Dhiirgaliyayaasha Noloshu Idinku Yidhaahdeen, Qaddar Alle Iyo Calaf Baa Jira”!prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Miyay Wali Dhiirgaliyayaasha Noloshu Idinku Yidhaahdeen, Qaddar Alle Iyo Calaf Baa Jira”!prof Cabdi Cali.
October 7, 2020 - Written by Editor:

Somalidu waa dad dhaqankooda iyo diintoodu isla fal-galeen, halkaasna waxa ka soo baxay sida qofka Somaliga ahi uu u ahaa ruux ka soo dooga caqabadaha adag ee nolosha mid dabiici ah iyo mid dad samee ahba.;  wuxu ahaa qof leh adkaysi (resilience).

Heesaha Qaraamiga ah ee Somalida waxa ku badnaan jiray jacaylka iyo waayihiisa; waa marka ruux ruux kale calmado isla markaana xaaladdiisu gaadho in uu qalbigu wax noqdo haddii ay suurtagali waydo in ay qofkaa nolol wadaagaan; xaaladdan waxa heesaha qaraamiga ah ee Somalidu cabbiraan sida qofkaasi naftiisa u bogsiiyo; dawo caafimaadna waxa u ahaa kalmadda Calaf baa ka adeegay, maxaa yeelay isagu tab iyo xeelad midna lamuu hadhin; haddii aanu qofku dadaalin calafka eedda lama saari jirin! wuxu dhaqanku farayaa dadaal, haddii arrinka aad doonaysaa suurgali waayana isla markiiba waa dhaqanka kan ku siinaya dawadii ka soo kabashada; waa ba rukun ka mid ah arkaanu iimaanka; waa qaddarka Alle oo aad aaminto khayrkiisa iyo sharkiisaba!

Haddaba dhiirigaliyayaasha noloshu marka qofka ay hiyi kiciyaan oo faraan inuu dadaalo xaqiijiyona waxa “Hanka” ay u bixiyeen, marka uu haado ee uu cirka u baxo, haddii uu qofkaasi waayo wixii uu rabay, ma jiraa oo ma la baray qofkan habkii uu aad yar dhulka ugu soo noqon lahaa isaga oo aan laf dheer ka jabin; mise waa sidii duuliyihii la baray Volume1 oo ahaa sida diyaaradda loo kiciyo isla markaana laga iloobay in  Volume 2 ga loo dhigo, oo ah sida diyaaradda loo soo dejiyo; markaa saw noqon mayso in uu qofkaasi ka soo hadhi waayo arrinkaas ka dib marka uu naftiisa dejin kari waayo ama qancin kari waayo; markaa arrinku ma quus iyo Tahriib baa mise waa Xamar iyo Qaraxa beegso; waxa niyad jabka intaa le’eg keenayaa waa Cilmigan cusub ee bilaa iimaanka ah!!!

Haddaba ma waxa la rabaa in beri dhaw sida Gaalada uu qofku is dilo (suicide) ka dib marka uu waayo waxa uu doonayo ama uu niyad jabo oo uu xanuun nafsi ah qaado; haddii aanay sidaa ahayn ha la waafajiyo cilmigan cusub dhaqanka iyo iimaanka.

Ugu danbayntii waxaynu fahmi karnaa macnaha uu Qaddarku ku leeyahay nolosha fayaw ee qofka ka dib marka uu dadaalo, hase ahaatee ay dhacdo in orod iyo ayaan midna uu  ku gaadhi waayo wuxu rabay; waa markaas marka loo baahan yahay ee ay waxtarka leeyahay aaminadda Qaddarka Alle; haddii kale sida tareen bilaa biriig ah ayaad afwaynta goosan doontaa!! Mise waxay odhan kuwa aan waxba aaminsanayni xaaladdaasi ma jirto; bal ha yidhaahdaan xaaladdaasi ma dhici karto; macnaha xaaladda inta qofku dadaalo ay dhici karto in aanu gaadhin hadafkiisa!! waxa kale oo aad waydiisaan kuwa iska yeelyeela Gaalada in ay jirto xaalad kale oo inta aad wax ka taxadirtay, oo aad ku dadaashay in aanay waxaasi kugu dhicin, haddana aad aragtay wixii oo kugu dhacay! Waa kaas Qaddarku!  haddii ay  taa dafiraan malaha adduunyo kale oo aan tan ahayn bay ku noolyihiin iimaanlawayaashu!

QALINKII PROF CABDI CALI Cabdo; Qaddarka iyo Dhiirigaliyayaasha Nolosha.

COMMENTS
LINKS