Madaxweyne Biixi Hore Wuxuu U Yidhi Gabiley Waa Xaafad Hargeysa Katirsan Maantana Dhagax-Kuure iyo Arabsiyo Ayuu Yidhi Daarasalaam Halagu Darro! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Hore Wuxuu U Yidhi Gabiley Waa Xaafad Hargeysa Katirsan Maantana Dhagax-Kuure iyo Arabsiyo Ayuu Yidhi Daarasalaam Halagu Darro!
October 8, 2020 - Written by Editor:

Ma Waxeydin Maalin Walba Sacabka U Tumi Nin Idin Neceb Isir iyo asraarba oo Hore Loo Arkey oo Maalmo badan loo soo Joogay Waxa Uurkiisa Kujira ee Afku Ka Xadey, Haday Noqoto Beelwaynta Jibriil Abokor oo Awal hore haystey Ragii Raga ahaa ee Lagaga Cabsoonayay, Maantase ay Joogaan Caruur aan Caqli Buuran iyo Dareen ay Wax Ku Fahmaan Midna Lahayn oo ku Ogaadaan Kan Cadawga Weyn u ah, ee Madaxweyne Muuse Biixi  iyo Kan Nasteexa u ah ee Umada kale ah, Sababtoo, ah Umada Soomaliland Waxa ugu Wanaagsan Ka iska kaa Eegaya, Ee Aad Cadkaaga Ka Goosan Karto Laakiin Kan Awalna Cadawga Kuu ahaa maantana Cadaawadii Madaxda kuugu Noqdey, ee Mar Walba Tusalaaha usoo Qaadanaya In ay Gabiley Hargeysa u Dhawdahay oo aanay Gacantiisa Kujirin Gobolnimadeedu?. Waxa uu Tusaale aan Munaasib aheyn oo Diidmo ah oo isyeel yeel ah, oo uu Dareenkiisa iyo Shucuurtiisaba ka Muuqata oo ah Mid aanu Qarsanayn, oo aan Muuse Biixi Mugdi kaga Jirin.

Waxaan Kaga Hadlayaa Mawduucaygan oo aan Maanta Qalinka u Qaatey Madaxweynaha Dalkan Dumaaley ee Muuse Biixi iyo Weerarka Qaawan ee uu Ku Hayo Gobolka Gabiley Waxa uu Maanta Doonayaa in Gabiley ka Qaado oo Ka Gooyo, oo Degmada Daarasalaam ee Yabyabka ah ee aan Taariikh iyo Waxbaba lagayn Hoos Geeyo Qeybo Badan oo kamid ah Degmada Arabsiyo iyo Qeybo Badan oo Kamid ah Degmooyinka Agabar isagoo oo aynu Ognahay inaynaan Ka Dagaalamin oo aynaan Ku Qisaasin Waxna ka Weydiin, Tii Waagii Uu Degmada Cali/Xeydh kaga Jarey Gabiley, isagoo ah Wasiirka Arimaha Gudaha wakhtigii Xukuumadii Marxuum Cigaal, Waligii kama hadhin Madaxweyne Biixi Cadaawada uu u Hayo Gabiley, Waxaanu usoo Marey Meelo Badan,oo aan Maanta lagu Soo Koobo Karin Mid iyo Hal

‘Waxaa Layidhi Baribaa nin Jaahil ah oo Aan Quraanka Si Fiicannu Aqoon oo ah Dadka aadka u Madax adag ayaa Eaxa Qalbigiisa Galey in uu Aad u Aamino Allihii abuurey, Kadibna Wuxuu Niyadiisa Maalin Walba Iska weydiin Jirey oo uu Qalbiga galiyay, inuu Jecelyahay, in uu Arki Lahaa Illaahay, Kadibna Maalin Kamid ah Maalmaha ayaa Isagoo Meel Lugaynaya oo Basahaquusis Subaga sita ayaa Arkey, Maroodi Weyn oo Meel Taagan Kadibna Waxa uu Caqligiisii Iska yidhi Walaahi inbadan ayaad Raadinaysay in Aad Illaahay Aragto, ee Maanta Waadigaa Arkay Kadibna Bashaquusistii Subaga aheyd ayuu Damcey inuu Afka u Galiyo, Dabadeedna Maroodigii ayaa intuu Hacanka Sudhey Cirkaas La Marey, Intuu Xaga Sare Ku Maqnaa ayuu Yidhi Illaahayaw Awalba Adaa i Abuurtaye Ama Samada I Gee Ama Dhulka igu Soo Celi, Waxaan Uga Socdaa intaa In aan Kula Hadlayo Reer Gabiley oo aan ku Leeyahay Guddo iyo Dibadba Waar Illaahay Xoogiina Ha idin Tuso, oo Ha idinka Soo Dhexsaaro Kueii Noqon Lahaa ee Buuxin Lahaa Kaalintii Mujaahid Xasan Yoonis Habane iyo Ragii aan garanayay, Allaahu Yarxame Waxaa Dambi ah Nin Waliba Wuu arkayaa Maanta Wuxuu Samayanyo Halkuu taagana Yahayna, Weynu ognahay in aynu Xisbigiisa Kulmiye iyo Wax Ka hooseeya oo Dawladiisa ah in aynu Wax Ka Doonaa Waa Bilaa Caqlinimo, Wey Qoomamayan lahaayeen Halgankii ay u Galeen Ragii hoydey Qaarkood Marxuum Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe iyo Jaamac Nuur iyo Ragii, Allaha Naxariistii Jano Hasiiyee, Waxaan Kula Talinayaa Reer Gabiley Gudo iyo Dibadba, in ay Diidaan oo Gacmaha isku Qabsadaan oo ay Kasoo Horjeestaan Dhulkaa uu Gabiley Ka Jarayo oo Hoosgeynayo Daarasalaam Muuse Wuxuu Bartey Inuu Maalin Walba sidi Ninkii Waalnaa, Ee Yidhi Waabad I Xusuusiseen, Weynu Ognahay in au Gabiley iyo Arabsiyo Maalin WalbaKusoo Noqnoqonayo, Arabsiyo Soltelco, iyo Ina Daarood Wakaalada Biyaha Hargaysa Waala halaga jaro Gobolka, Yarka Arabsiyo Haystana Halaga Foojignaado, Waa dabadhilifka Koowaad ee Gobolka Qeybinaya,oo Arabsiyo Loo adeegsadey inuu ka jaro Degmooyin, Nin Caruur ah in Gudoomiye Degmo laga dhigo ayaa Dambi ah

QALINKII; Najiib Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

0634466339

COMMENTS
LINKS