Madaxwaynihi Hore Ee Jsl Axmed Siilaanyo Oo Tacsi Udiray Marxuum Cali Khaliif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynihi Hore Ee Jsl Axmed Siilaanyo Oo Tacsi Udiray Marxuum Cali Khaliif.
October 8, 2020 - Written by Editor:

Tacsi Tiiraanyo Oo Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland udiray qoyskii iyo shacabka uu ka baxay marxuum cali khaliif galaydh.

Allahayow janee oo ka yeel Nebiga CSW jaarkiisa.

INNAA LILAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Geeri kastaa naxdin iyo murugo ayey leedahay. Haseyeeshee, geeriyahu kala naxdin badan oo kala saameyn culus. Waxaan dhamaan shacabka iyo ehel kii uu ka baxay  ka tacsiyadeenayaa geeridaa naxdinta leh ee kutimid Marxuum Prof Cali Khaliif Galaydh, oo aanu ahyn saaxiib gaar ah, Isla markaaana ahaa halgamaa door lixaadleh kasoo qaatay geedisocodkii dalka iyo dadka reer Somaliland.

Waxa uu ahaa nin nabadda, horumarka  iyo wada noolaashaha ummada ka shaqeeya,ilaa markan uu xaqii ku yimidna ku hawlanaa sidii dadkan wadda dhashay isugu soo dhaween lahaa, una walaaleen lahaa.  Waxaan allaha awoodleh u waydiinaynaa marxuumkaa in uu qabriga u nuuro, ehelkiisa iyo dhamaan Reer Somaliland na samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin.

 

Ahmed M Silanyo

Madaxweynihii hore ee Jamuuriyada Silanyo

COMMENTS
LINKS