Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise, Qandaraasleyaasha Kham-khama?W/Q;Cabdiraxmaan Cadami. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise, Qandaraasleyaasha Kham-khama?W/Q;Cabdiraxmaan Cadami.
October 9, 2020 - Written by Editor:

Markii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hay’adood oo ka mid ah hay’adaha dawladda. Runtii aad ayaan ugu farxay muuqaalka guud oo ka kooban dhawr dabaq, bilicsan iyo farshaxanka naqshaddaba. Waxaan u malaynaya dhismahan in ay ku baxday lacag dhan hal malyuun ilaa hal malyuun iyo badh oo dollar. Kharashka waxa bixiyay dawladda Ingiriiska oo ku caawisay Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee dareenkaygii iyo xiisihii aan u qaybay in aan dhismaha hore ugu sii socdo waxa bedelay markii aan cagta saaray jaran-jarada, waxaan arkay xabado marmar ah oo meeshoodii ka fuqay iyo kuwo dhinacyada ka jabay. Waxaan gaadhay dabaqa sare iyo xafiisyo si casri ah u qalabaysan iyo dhallinyaro rag iyo haween ba leh oo ay ka muuqato haybad, aqoon iyo in si fiican loogu tababaray hawsha ay bulshada u hayaan; waxaanse ka naxay markii ishaydu qabatay khaladaad farsamo oo la sameeyay wakhtigii la dhisayay oo haddii aan si dhakhso ah wax looga qaban ku soo dumi kara wakhti aan fogayn, waana khalad aan laga aqbali Karin nin injineer sheeganaya. farsamo xumadani waxay shaki gelinaysa kalsoonida lagu qabi karo aqoonta injineerada dalkeena.

Dhismaha labaad oo isna kharash badani ku baxay ayaa waxaan galay qol weyn oo ka mid ah dhismaha; markii aan foodda geliyay ba waxa iga horyimid dillaac weyn oo si dadab ah gidaarka ugu dhereran kor ilaa xagga hoose, waxaan la sii yaabay dhismaha waxa loogu talo galay in dabaq la saaro mustaqbalka, hindisahaa oo aan farsamo ahaan suurto gal ahayn.

Haddaba sida kharashka dhismeyaashaa loo maamulay xukumadda waxay ku tahay sumcad darro waxaanay saamayn ku yeelan kartaa deeqaha Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho Beesha Caalamka; dhibaataduna waa isla xisaabtan la’aan iyo hay’adaha iyo masuuliyiinta ku shaqada leh oo aan lagu dabagelin laguna qiimayn sida ay u gudanayaan xilalkii loo igmaday.

Talo Bixin:

  • In Wasaaradda hawlaha guud hubiso shahaadada injineerada dhismaha sida dhakhtarrada oo kale
  • In Qandaraaslaha lagu kormeero dhismeyaasha hay’adaha dawladda iyo in lagu ilaaliyo fulinta tilmaamaha heshiiska ku qoran (specifications)
  • In Guddiga Qandaraasyada Qaranka la siiyo awoodo dheeraad ah iyo ‘mandate’ ka badan qabashada codsiyada iyo kala xulista shirkadaha danaynaya qandaraasyada
  • In la xoojiyo sharciyadda hay’adda iyo aqoonta xubnaha Guddiga Qandaraasyada
  • In la ganaaxo shirkadaha jabiya qodobada heshiisyada
  • In madaxweynaha JSL wasiirkiisa Hawlaha Guud ku amro in uu ka soo warbixiyo tayada iyo raandhiiska dhismeyaasha dawladda ee saddexdii sannadood ee ugu dambeeyay la dhisay.

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@gmail.com

COMMENTS
LINKS