Yaa Aas-Aasay Diinta La Magac Baxday Casrigan Ibrahimiyada?W/Q;Khadar Aar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Aas-Aasay Diinta La Magac Baxday Casrigan Ibrahimiyada?W/Q;Khadar Aar.
October 9, 2020 - Written by Editor:

Ereyga ‘Abrahamic Religion’ Diinta Ibraahimiyada ,wuxuu soo ifbaxay Sanadahii kontonaadkii ee qarnigii la soo dhaafay, isticmaalkiisuna si aayar aayar ah ayuu u faafay.

Waxa uu ka mid ahaa Fikirkani Ibraahimiyadu ,Caqliyeyntii Wadaadka fiqiga ee Joachim Mubarak, oo ah arday ka tirsan Massignon, halkaas oo uu kaga hadlay Dinta Islaamka ee loo yaqaan ‘Abrahamic’ Ibraahimiyada .

Lakiinse  intii u dhaxeysay 1930-1970 ereygani Ibraahimiyadu  wuxuu ku faafay si jameeci ah in uu tilmaamaayo  Saddexda diimood ee tawxiidku walaaleeyey kuwaasi oo kala ah Islaamka,Masiixiyiinta iyo Yuhuuda.

Samaynta fikiradan Ibraahimiyada waxa loo qoondeeyey in Nabiyulaahi Ibraahim loo aqoonsado in uu yahay  qofkii ugu horreeyay ee bilaabay inuu barto Ilahay  isagoo aan helin waxyi gaar ah oo isaga ka yimid.

Hadaba magaca ayaa ilaa maanta loo adeegsadaa Khilaafaadka xalinta Diimaha Tawxiidka, laakiin ujeedooyinka wax ku oolka ah ee laga lahaa waxa ay u eegyihiin kuwo wax ku ool ah intana ka qoto dheer.

Waxaana la rabaa si loo xaqiijiyo xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya saddexda diimood iyo sidoo kale macnaha wada hadalka diimaha iyada oo laga duulaayo mustaqbalka in dhamaan Diimaha meesha laga saaro gaar ahaan Islaamka.

Safiirka dalka Mareykanka u fadhiya  Isra’iil  David Friedman, ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska nabadeed ee u dhexeeya Imaaraadka iyo Isra’il loo aqoon san doono “Heshiiska Abrahimiyada”, maadaama loogu magac daray sida uu sheegay “Aabaha saddexda diimood ee waaweyn”, Masiixiga, Muslimka iyo Yuhuudda.

Nebi Ibraahim,NNK iyo magacan oo xambaarsan diimaha saddexda dal ee heshiiska ka qayb qaadanaya sida :Islaamka (Imaaraatka), Yuhuudda (Israa’iil) iyo Masiixiyadda (Mareykanka), waxaanay aamin san yihiin in Nabi Ibrahim uu isagu sidaa sheegay .

Hadaba arimaha noocan ahi inta badan waxa ay u baahan yihiin in waxbadan layska hubiyo,waxaa dhici karta in adiga oo dan siyaasiya oo kooban ka eegaaya in aad ku dhici karta haadaan siyasadeed oo aadan kasoo waaqsan karin.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

 

COMMENTS
LINKS