Budhcada Boobka Caadaystay Iyo Cabashada Dadweynaha! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Budhcada Boobka Caadaystay Iyo Cabashada Dadweynaha!
October 9, 2020 - Written by Editor:

Waxaaan Ka Mid Ahay  Dadka Muwaadinka Ee Kasoo Guryo Noqday  Wadanka Debadiisa,Sanadkii Ugu Danbeeyay Waxaan Deganaa Magaalada  Hargeisa  Oo Aan Aan Ganacsiyo Kala Duwan Ka Sameeyay.

Cool Man Characters Manga Style Cartoon Vector art illustration.Copy Space, Full Length, White Background.

Badiyaa Waxa Ii Caado Ah In Habeenkii Kolka Aan Tago  Guriga Aan Deganahay, Aan Kaga Soo Tago Baabuurkayga, Kadib Waxaan Usoo  Lugeeyaa Dhanka Dhaadhaca Hoose Ee Suuqa  Ilaa Agagaarka Masjidka Cali Mataan,Halkaas Oo Aan  Kadib Socdaal Danbe Ka Bilaabo  Si  Aan Toos Xaafadaydii Oo Ku Taalla Xawaadle  Ugu Hoydo,

Taasi Waxay Ii  Noqotay  Balwad  Ama Caado  Habeen Kasta Oo Aan Fursad  Haysto,Maxaa Yeelay  Waxaan  Ka Dhigtaa Jimicsi  Maadaama Aan Maalintii  Inta Badan Ku Socdo Baabuur.

Hadaba Waxaa   Ayaan Darro Ah In Mudadaasi   Sanadka Ah  Habeen Kasta Oo Ka Mid Ahaa   Aan  Kula  Kulmo   Jidkaasi   Oo Isagu Ah  Kani Ka Bilowda  Goobtii  Flimada Ee  National  Senimaha  Loo Yiqiinay  Isla Markaana  Taga  Radio Hargeysa,  Dhacdooyin   Aad  Iyo Aad U Argagax Badan  Oo  Sida  Loo Rumaystaa Ay Aad U Adag Tahay.

Waxyaabaha   Jidkaasi Ka Dhaca  Oo Aan Filayo In Aanay  La Qabin Qaybaha Kale Ee Magaalada Waxa Ka Mid    In Tacadi  Iyo Dhibaato Weyn Ay  Ka Geystaan  Koox  Budhcad Dhalinyaro Is Kaashatay  Oo Dhac Iyo Boob Joogto Ah U Geysta Dadwaynaha  Jidkaasi Lugaynaya  Ama Gaadiidka Saaran,

Iyadoo Budhcadaasi Dhalin Yarada Ahi Qofka  Lugaynaya Khaastan Haweenka Ka Boobayaan  Mobilada  Iyo Waxyaabaha Kale Ee ay Sitaan,Halka  Kuwa Gaadiidka Saaran Siiba Kolka Baabuurku Ku Socdo Speedka Gaaban Ay  Dhac Iyo Boob, Kaasi La Mid Ah U Geystaan,Waxa Uu Qofku Sitana Ka Dhuftaan,Ka Dibna La Fakadaan.

Badiyaa Hawenku Ma Helaan Cid ka Caawisa dhibaatadan, Halka  Ragga  Laftigoodu  Inta Uu Joojinayo  Baabuurka  Tuugadu  la dhacmaan Wixii Ay Ka Qaateen,Waxaanay Tuugadu Inta Badan Isu Qaybiyaan Dhawr Qof Oo Midkoodba Dhinac U Ordo,Taasi Oo Sababta, In Qofkii Daba Ordayay Ee Wax Laga Qaatay  Kala Garan Waayo  Kan Uu Yahay Tuugii Wax Ka Boobay  Iyo Dhanka Uu U Orday,

Tusaale Ahaan Sadexdii Habeen Ee Ugu Danbeeyay Waxaan Kula Kulmay  Laba Gabdhood  Iyo Wiil Dhalin Yaro  Oo Jidkan Lagu Dhacay,Dadkuna Ku Buuqsan Yahiin.

Labada Gabdhood Waxa La Ii Sheegay  Inay Mid Kastaaba La Socotay Baabuur Gooni Ah ,Oo Laga Dhuftay  Mobile Qaali Ah,Halka Wiilkuna Uu Socod Lug Ah Ku Marayay Jidkaasi,

Dadkii Goobta Joogay Waxay Noo Sheegeen  Isla Goobtaasi  Oo Ah Inta U Dhaxaysa  Isbitaalka Xayaat  Ilaa  Traffic Lightska  In Saacado Ka Hor  Boob  Loogu Geystay  Sidani  Oo Kale, Afar Haween  Haween Ah, Oo Midkood  Ilmo Yar  Gacanta  Hayso,  halka labo ka mid ahi  baabuur la socdeen Lagana Qaatay  Mobilo  Qaali Ah,sidaasna ay Tuugadii Kula Tagtay.

In Kasta Oo Sida La Ii Sheegay Cabasho Badan  Dadweynuhu Ka Gaadhsiiyeen  Ciidamada Ammaanka,Waqtiyo Kala Danbeeyay  Oo Ku Siman Ilaa Waagii Xukuumadii Hore,Hadana  Mar Qudha Maysan Dhicin  In Ciidanka Amnigu Wax Tallaabo Ah Ka Qaadaan  Budhcadda Dhibka Joogtada Ah Ka Geysata Jidkaasi.

Arrinta Kale  Ee La Yaabka Lehi Waxa Weeye  Sida  Aanay  Wax Gacan Ah U Siinin  Qofka Halkaasi Lagu Dhaco, Shacbiga Ku Sugan   Amaba Ka Ag Dhow  Goobahaasi.

Khaastan Raggii  Oo  Dhooban  Dariiqa  Ayaan Wax Caawimo Ah Siinin  Haweenka  La Boobayo,Umana  Qabtaan Tuugga, Balse  Taasi Lidkeeda Waxay  Dhacdada Ka Noqdaan Daawadayaal,Aniguse Waan Ka Geystay Intii Karaankayga Ah  Xilliyo Aan Kusoo Beegmay  Xaaladaas Iyadoo Aan Hal Waqti  Nasiib Wanaag Ku Guulaystay Inaanu Qabano Tuuga Kana Qaadno Mobilkii Uu Ka Dafay Gabadha.

(Ummad Aan Isu Naxariisan Allena Uma Naxariisto)

Xilliyada Qaarkood Waxaad Arkaysaa  Tuugtii  Oo Sii Ordaysa, Haweenkii Wax Laga Qaatayna Goobta Ka Muusanaybayaan, Askari Wadada Ku Lugaynaya  Oo Halkuu Baacsan Lahaa Budhcadii    Horay Socodkiisa Isaga Sii Wadanaya,Oo Aan Danba  Ka Lahayn,Isagoo Aad Mooddo Inuu Aaminsan Yahay  Haddii  Aan  Madaxdaadii   Ku  Arkaynin  Maxaa  Ku Gelinaya Mashruucaasi.

Goobtan  Ehelka  U Noqotay  Dhaca Iyo Boobka Dadweynaha  Ayaa   Dhacda  Xuddunta  Ama Badhtamaha Caasimada,Kaaga Sii Darane  Waxa Qadar Aan 500 Oo Talaabo Ka Badnayn U Jira Saldhigga Dhexe Ee Hargeysa, Hadaba Sidaasi Awgeed Ma La Odhan Karaa Waxay  Fashil  Iyo Weji Gabax Ku Tahay  Ciidanka  Amniga  Khaastan Poliiska Oo Ka Gaabiyay  Waajibaadkii Amni Ee Ay Masuulka Uga Yihiin Shacbigooda,  Mase Noqon Kartaa Tu  Su’aal  Gelin Karta   Hadiiba Xaalka   Badhtamahii Caasimadu  Caynkaasi  Tahay    Amniga  Shacbiga  Xaafadaha  Darafyaduna   Toloow  Maxay  Noqoni.

si kastaba  ha ahaatee  pooliska somaliland waxaa la gudboon inay qaadaan hawlgal  ay  wax kaga qabanayaan dhibaatada  barriisatay bulshada caasimada  gaar ahaan goobahaasi aanu sidoo  tilmaanay  taliyaha booliska somaliland oo mudadii uu xilka hayay muujiyay dedaal  muuqda  oo la taaban karo  ayaa   dadwaynuhu si mug leh uga dhowrayaan inuu  boobkaasi soo afjaro,isla markaana   gacanta  lagu soo dhigo  tuugada caadaystay boobka ummadda   hantidii  budhcadaasi ka dhacday dadwaynaha.

QALINKII; Cabdi Xasan Idiris (muruq) Hargeysa

COMMENTS
LINKS