Dhalashada Somaliland Iyo Jabhaddii SNM Ma Wadaagaan Wax Taariikh Ah!Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhalashada Somaliland Iyo Jabhaddii SNM Ma Wadaagaan Wax Taariikh Ah!Cabdi Cali.
October 10, 2020 - Written by Editor:

Sheeko Iguma aha ee waan soo taagnaa; SNM waa saddex xaraf; S tu ma aha Somaliland ee Waa Somali. Markii Siyad Barre la jabiyay ee laga saaray Xamar, golboladii Waqooyina ay SNM si buuxda gacanta ugu dhigtay, hoggaankii SNM iyo shacbiga Waqooyi oo isugu jiray kuwo taageersanaa SNM iyo qaar soo horjeeday ba waxa la sugayay inta gobolada Konfurtu iyaguna diyaar garoobayaan sida gobolada Waqooyi oo kale, nabad na ku soo dabaalayaan dadkooda; ka dibna la isugu imanayo Shirwayne  Jabhadaha badidoodu isku ogaayeen oo ay ka soo wada qayb galaan dhammaan jabhadaha iyo beelaha Somalida oo dhami si looga tashado aayaha waddanka Siyad Barre dabadii!

Tiiyoo la sugaayo oo aad yaabto sabirka iyo Somali jacaylka ka muuqda dadka reer waqooyi ayuun baa subax ka mid ah subxaha lagu soo toosay war cusub; waa Dawlad iyo Madaxweyne aan laga talo galin dadkii Waqooyi oo lagaga dhawaaqay Xamar; halkaas ayaa dadkii Waqooyi furta tuureen; ha odhan waa caadifad; eeg khaladka laga galay ummadda inta uu qaro le’eg yahay; ha iskaga dhawaaqin kalmad aan taariikh iyo cilmi midna ku fadhiyin oo afka loogu tuurayo dadka aan waxba ogayn!!

Taladi waxa lagu gooyay in innaguna haddii aynu nahay goboladii Waqooyii aynu ku dhawaaqno dawlad iyo madaxweyne gaar inoo ah!!

Ma iyagaa goostay mise innagaa goosanay? Taariikhdii aanu soo taagnayn ayaa dadkii been looga sheegayaa!! sidaa darteed, waxan ku soo gunaanadayaa dhalasha Jamhuuriyadda Somaliland ee barakaysan waa mid ka timid oo taladeeda ay lahaayeen dhamaan beelihii deganaa Waqooyiga Somaliya, kuwo la socday SNM iyo kuwo ka soo horjeeday; sidaas baanay shaqo isugu lahay SNM iyo Somaliland!

QALINKII PROF CABDI CALI Cabdo; Facts not views.

COMMENTS
LINKS