Nuxurka Buuga (The Compound Effect). Q/3Aad Soo Ururintii: Axmed Cali Kaahin, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Buuga (The Compound Effect). Q/3Aad Soo Ururintii: Axmed Cali Kaahin,
October 10, 2020 - Written by Editor:

…waxay imoo joogtay in aan raadkeena markasta daba gurno, Waxa uu qoraagu kusii daray “in aad masuul ka noqoto waxaad qabanayso, sidaad u qabanayso iyo sidaad uga jawaabayso,” ganacsada caanka ah eer Richard Brndson oo u waramayay jariirada Success Magazine wuxuu sheegay “ in aanu jirin cid nasiib wanaagsan iyo cid nasiib xun, balse kaliya fursadu markay timaado uun baan ka faaiidaystaa”

“Nasiibku waa marka fursada iyo diyaar garawgu kulmaan”

In aad nasiib kaagu shaqeeyo iyo  qaacida guud oo uu soo ban dhigay F:G Nasiibka Allaah (swt) ayaa maamula ee waa waddada lagu gaadhayo shaqo tayo leh.

Diyaar garawo (Qaan gaadhnimo nafeed) + Qiyam (Dhan ahaan) + Fursad (Wax fiican oo kugu soo fool leh) + Ficil ( Samayn wax ku saabsan) = Nasiib

Arnold wuxuu sheegay “in markasta oo aan joogteeyo Shaqo nasiib kaan helaa” halka Richard uu sheegay “ in aanad arkay waxa aanad eegin, eeginamaysid waxaand xiisaynayn” waxa qoraagu kusii daray in Maalinta qofku qaan gaadho ee uu caruurnimo ka baxo tahay “maalinta uu naftiisa boqolkiiba boqol masuul buuxa ka noqoto” waana in aad raad gurtaa dhacdo kasta oo noloshaada ah.

Waxa si fudud loo samayn karo haddana si fudud baa loo dayn karaa sida kharashaadka dheeraadka ee aad isticmaasho maalin kasta, kaliya in aad dayacdo dhacdooyinka yaryar ee maalin laha ahi waa faraqa u dhexeeya dadka guulaysta iyo dadka kale, xataa Cibaada haddaad dikriga badiso maalintii inta dadku sheekaynayaan waxaad buuxsan kartaa inta samada iyo dhulka u dhaxaysa oo ajara Axaadiista Rasuulkeenii Salaahu Calayhi Wasalam inoo sheegay.

Dhinaca kale khariirada lacagta iyo qulqulkeeda in dhugasho loo yeeshaa waa kaalin aad u muhima oo aanay dadku dhaadin, lacagtu sida biyaha ayay u dulyaacdaa gacmaha inta badan, dadka kale intaad isticmaasho uunbay kaydsadaan horena waxaa loo yidhi imisaad qaadataa maahee waa imisaad kaydsataa. Is raad guridaadu kaliya waa ficiladaada sidaad u qbanaynsaa may guman tahay mise gurac baa ku jira dhan kastoo nolsha ah, sirtu waa intaasi

Shaqo galinta Saamaynta Dhitaynta iyo Saddexdan Habbraac.

Kaalinteed had iyo goor ku foogan tahay wakhtigaaga badan  xoojina dhinacaasi haddii uu togan yahay.

Masuul ka noqo guushaada iyo guuldaradaada xaalada aad joogto qor 3  arrimood oo aad wanaajisay iyo 3 qaloocday iyo 3 cusub oo aad si wanaagsan u qaban doonto masuuliyadeedana qaadi doonto.

Bilaw toosinta hab dhaqan  qalooca oo aad leedahay sida maamulida lacagta ama caafimaadka, ama qaabkaad dadka iyo ehelkaaga ula dhaqanto, waxbarashadaada. Waxa xigi doona idamka Rabbi Q/3aad.

Soo Ururintii : Axmed Cali Kaahin                           aakaahin@yahoo.com

 

 

COMMENTS
LINKS