Isbarbar Dhiga Sida Madaxwayne Biixi Xilalka Qaranka Ugu Qaybiyay Goljano Iyo Gabiley! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isbarbar Dhiga Sida Madaxwayne Biixi Xilalka Qaranka Ugu Qaybiyay Goljano Iyo Gabiley!
October 10, 2020 - Written by Editor:

Tan Iyo Intii Uu Xilka Madaxwaynaha la Wareegay Muuse Biixi Cabdi Waxaa soo kordhaayay tabasho badan oo farta ku fiiqaayay xukuumada  Madaxwayne biixi, kuwaas oo loo tirinaayo in ay gacanta u gashay beesha galbeedka Hargeysa, balse xaqiiqadii ayaa hada maraysa in ay ku soo ururto Goljano oo ah xididka iyo xigaalka Madaxwayne biixi kuwaas oo labaduba ah hal xaafad ama jufo kaliya.

Waxaan maqaalkan ku iftiimin doonaa ama aynu daaha kaga rogaynaa gobol ka mida goboladii ku suntanaa taageerada xisbiga kulmiye iyo halka uu ku dambeeyay, hadii aan taariikh yar oo kooban dib ugu laabano xiligii la aasaasay ururkii kulmiye 2002, xiligaas oo ay tartamayeen ururo badan isla markaana ay daruuri ahayd in ururkii kulmiye helo cod uu ku noqdo xisbi buuxa ka helo gobol walba xiligaas oo uu taageero xoogan ka helay Deg. Gabilay taasi oo sababtay in uu safka hore ka galo gobolka maroodi jeex, laga soo bilaabo xiligaas oo laga joogo 18 sano, gabilay waxay ahayd xarun ka mida xarumaha bud dhiga u ah xisbiga Kulmiye taageeradaas oo lagu xidhiidhiyo in ay siyaasiin ka soo jeeda gobolka gabilay xidhiidh dhaw lahaayeen xiligii halkankii SNM Madaxwaynihii hore Axmed Siilanyo, Xiligaas oo ururo badan ay halkaas ku hadheen. Balse hada waxaa soo baxaysa in uu jiro isbadal ku yimid taageeradii reer Gabiley, waxana la iswaydiinayaa halka ay ku kala baydheen taageerayaashii kulmiye ee gobolka gabiley, Dadka siyaasada faaleeya waxay sheegeen in ay sababeen laba arrimood.

Tan koobaad ah faraqii siyaasiga ahaa ee mudada dheer soo jiray kaasi oo ay ku kala duwanayeen Madaxwayne muuse iyo siyaasiyiin iyo saraakiil reer gabilay ahaa, xaaladahaas oo fursad siiyay siyaasigii Cabdi casiis Samaale kaas oo ku helay taageero Buuxda oo ay siiyaan reer gabiley, Taageeradaas oo xoojisay kala fogaan-shihii soo jireenka ahaa ee biixi iyo reer gabilay, ayaa xiliyo badan cidhiidhi galisay tartankii iyo damacii Murashax nimo ee Muuse Biixi ugu jiray xisbiga kulmiye, balse Tartankaas ayaa ku dhamaaday in ay kala reebaan labadaas siyaasi ee biixi iyo samaale duqay iyo siyaasiyiin ka baxsan beesha sacad muuse ee ay labaduba ka soo jeedan, loona cumaamado murshaxa xisbiga kulmiye in uu noqdo muuse biixi, xiligaas oo aad looga baqaayay in 70% beesha galbeedka hargeysa lumiso taageerada xisbiga kulmiye, waxaa si lama filaana u buriyay arrintaas beesha jibril Abokor ee deegaanka gabilay dhex-dana u xidhatay in ay meesha ka saarto utuntii siyaasiga ahayd ee wakhtiga dheer dhex taalay iyaga iyo muuse kuna bedelato taariikh cusub, iyo bog cusub iyaga oo hormood u noqday iskuna duba riday dhamaan beesha galbeed ka hargeysa, iyada oo uu muuse biixi xiligaas ka gaabiyay isla markaana aanu tahli karayn kuna jirtay cabsi badan oo dhinaca degmada gabilay ah, arrintaas oo marka uu safar ku joogo deg gabilay keentay in lasoo ururiyo beelaha kale ee gobolka degan isla markaana laga baaqsado wada hadal fool-ka fool ah oo ay yeeshaan madaxwayne muuse iyo reer gabilay dushana laga dhayo nabaradii siyaasigaa ee hore u jiray inta doorashadu dhacayso.

Dhinaca kale siyaasiyiin waawayn ayaa aaminsanaa in taageerada ay reer gabilay siiyaan Muuse biixi aanay haba yaratee waxba ka badali doonin muuse biixi una arki doono mid uu ku keenay xarfad uu ciyaaray, isla markaana dagaal cad la gali doona reer gabilay marka uu guulays-to

MAXAA DHACAY GUUSHII MADAXWAYNE BIIXI KA DIB

Guushii madaxwaye Biixi taageerayaasha reer gabilay waxay sugayeen mar hadii uu guulaystay in ay tahay xiligii uu cadaalad u samayn lahaa kii doortay iyo kii aan dooran maadama loo dhaariyay xilkii qarankan ugu sareeyay, balse xaalku sidaa wuu ka duwanaaday xukuumadiina dhinac ayay ka rarantay taasi oo gobolada Somaliland u tirinayeen dhinaca beesha galbeedka hargeysa, xaalku se wuxuu ku soo ururay Xaafada goljano  oo ah jufada uu kasoo jeedo Madaxwayne biixi.

Waxaan halkan ku soo qaadaynaa xilalka lagu magacaabay digreeto madaxwayne ee xaafada Goljano inagoo garab dhigi doona Kuwa uu siiyay Gobolka GabilEy

Xilalka Xaafada Goljano (XUSEEN ABOKOR)

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi

1;Wasiirka Madax-tooyada oo uu ku sheegay Agaasimaha Madaxtooyada (Dusha ka sumuni hoosta ka shilling).

2;Wasiirka Duulista oo uu ku sheegay Maareeyaha Duulista (dusha ka sumuni hoosta ka shilling).

3;Agaasimaha Guud ee Baanka JSL.

Kuxigeenka Guud ee Hanti dhawr-ka Qaranka

4;Maareeyaha wargayska dawlada iyo Madbacada Dawan.

5;Maareeyaha Haayada ka hortaga iyo Kaydka Raashinka Qaranka.

6;Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa.

7;Xubin Katirsan Gudida Qandaraas-yada Qaranka ah, kaasi oo ah gudoomiyaha jiifa ee gudiga isla markaana ah nin-ka uu madaxwayne biixi u qaabilsan fulinta qandaraas-yada gaarka ah.

8;Safiirka Somaliland Ee u fadhiya Dalka jabuuti

9;Wakiilka ganacsiga u fadhiya Somaliland dalka Ethiopia, “xilkan oo uu hore u hayn jiray sarkaal reer gabilay ah Balse madaxwayne muuse wuxuu ka door biday in uu ku badalo wiil uu adeer u yahay oo hada ah wakiilka ganacsiga Ethiopia.

10;Taliye xigeenka ciidanka sirdoonka oo loo dalacsiiyay darajada Janan.

11;Taliyaha ciidanka dab damiska oo ah Janan.

Taliye xigeenka ciidanka bada oo laga dhigay janan

12;Xidhiidhiyaha xafiiska dib u habaynta maamulka maaliyada oo ah shaqsiga ugu mushaharka badan dalka JSL kana badan mushaarka madaxwaynaha ee xeerka goloyaasha ka soo baxay jideeyay, sarkaalkan maaha mid lagu soo xushay aqoon waayo aragnimo uu u leeyahay arrimaha maaliyada iyo dhaqaalaha  balse waa looyar aan shaqo ku lahayn arrimaha maamulka maaliyadda balse wuxuu ku yimid liiska gol jano ee tobonkii cisho ee u horeeyay loo magacaabay xilalka dawlada madaxwayne muuse biixi.

13;Gudoomiyaha Xafiiska Sakada.

14;Xubin katirsan Gudida Berbera corridor.

Waxaa intaas dheer in xaafada xidid iyo xigaal ee goljano loo xidhay qandaraas-yadii qaranka, in loo xayiray diyaaradihii fly dubai iyo carabiya si ay u ogolaadan saami ay ku yeeshan kooxaha xidid iyo xigaal (gol-jano) ee madaxwayne muuse kuwaas oo hore gacanta ugu hayay shirkada Diyaarada Ethiopia airline.

Sidoo kale haamihii shidaalka iyo ganacsigii  shidaalka ayaa waxaa lagu wareejiyay shirkad cusub oo uu wato nin ay seediyo yihiin madaxwayne muuse oo isla goljano ah kaas oo ah xidid iyo xigaalka uun soo galaysa,

XILALKA MADAXWAYNE BIIXI DAWLADIISA UGA MAGACAABAY  EE REER GABILEY;

1;Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Iyo Boosaha oo aynu Ognahay halka ay kaga jirto wasaaradaha dawlada.

2;Agaasimaha Wasaarada Maal-gashiga  waa mida labaad ee wasaaradaha dawlada haba yaratee aan wax shaqo ah hayn.

3;Agaasimaha wasaarada Caafimaadka.

 

4;Taliyaha Ciidanka Qaranka,

5;Safiirka Somaliland ufadhiya Dalka Sweden oo uu isna ugu yimid isagoo xilka haya.

Shaxdani waxay ku tusaysaa sida xilalkii qaranka Somaliland ka dhexeeyay loogu qaraabo miisay  xafada Xidid iyo xigaal ee goljano, isla markaana ceebteeda iyo dhibka ay umada Somaliland ku hayso dusha laga saaro reer gabiley oo faro madhan ka jooga xukuumada madaxwayne biixi, hadii aynu tusaale u soo qaadano madaxwayne muuse ayaa wuxuu ku celceliyaa in gobolka gabilay yahay gobolkii madaxwaynaha isagoo daaha saaraya Gol-Jano iyo xidid iyo xigaal,

gabo gabadii sida ay xaqiijiyeen siyaasiyiin reer Somaliland ahi waxay sheegeen in Dawlada Madaxwayne biixi tahay tii ay reer gabiley ugu meeqaamka liiteen dawladihii soo maray Somaliland tan iyo 1991.

Isku soo wada duub waxaa muuqata in xisbigii kulmiye lumiyay xarumihiisii waawaynaa ee gobolada togdheer, Sanaag, Awdal iyo gabiley.

QALINKII;XAQ UDIRIRKA SHACABKA G,GABILEY.\

FAAFINTII; NIMCAAN MUUSE.

 

 

 

COMMENTS
LINKS