Hogaanku Wuu Tegi Doonaaye,Hal Aynu Isla Ogaano!Q/W Maxamed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hogaanku Wuu Tegi Doonaaye,Hal Aynu Isla Ogaano!Q/W Maxamed Dhimbiil.
October 11, 2020 - Written by Editor:

Jamhuuriyada Somaliland waxa iska soo badelay shan Madaxwayne oo uu hadda joogo madaxweynihii shanaad ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland ka dib markii ay Somaliland qaranimadeeda dib ugala soo noqotay Somalia 18-May-1991.

Madaxwayne walba oo soo maray waxa uu ku beegmay xaalad iyo marxalad uu dalku markaa marayey, waxii kaga beegnaana wuu ka qabtay ee markaasi awoodiisu ahayd , waxaana ka hadhaya uun waxii uu qabtay iyo taariikh lagu xasuusan doono.

Waxa hubaal ah in hogaamiye kasta oo qaranka soo maraa uu maalin uun ka tagi doono talada iyo kursiga uu ku fadhiyo , laakiin inaga waxa inoo muhiim ah ee inoo hadhayaa waa dalka iyo waxii wanaagsan ee laga qabto oo noqonaya dhaxalka iyo wanaaga umadu iska sii daba dhaxli doonto.

Markaa waxa aynu u baahanahay in aynu ku baraarugsanaano oo ilaashano wanaaga iyo wadajirka qaranka jamhuuriyada Somaliland oo ah dhaxalka uu jiilba jiil u gudbin doono,  waxaana inagu waajib ah in aynu taa u guntano oo hadba qofka hogaanka qaranka haya iyo kooxda uu cugtey ee la shaqeynaysa aynu nidaamka iyo sharciga ku ilaalino si aanay dhibaato iyo caqabad inoogaga tagin.

Hogaanka maanta joogaana wuu tegi doonaa ee hal aynu isla ogaano, in uu inooga tago dal qurux badan oo wanaagsan oo dadkiisu mideysan yihiin dadkiisu dhisan yihiin oo ay yihiin umad u jiheysan wax wada qabsi iyo horumar,  aynu ogaanona awooda meesha lagu fadhiyaa in ay tahay ta shacbiga Jamhuuriyada Somaliland oo hadba cida ay u gartaan mooyaane in aan cid kale imanayn.

Kala duwanaanshaha aragtida iyo qaabka wax loo hogaaminayaa waa mid lagu kala duwanaan karo oo binu adamku waligii ku kala duwanaa,  ha yeeshee muhiimada iyo waxa aynu ilaashanayno ee tacabka badani inagaga jiraa waa waxa aynu wada leenahay oo ah dalka iyo wanaaga dadkiisa.

QALINKII; Muxamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS