Madaxweyne Biixi Halkuu Gabiley Ka TaaganYahey Waxa Tusaale Inoogu Filan Sidii Uu U Inkirey In Qalinjabinta Jaamacada Lugta Sii Galiyo, Dabadeedna Boorama Ugudbo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Halkuu Gabiley Ka TaaganYahey Waxa Tusaale Inoogu Filan Sidii Uu U Inkirey In Qalinjabinta Jaamacada Lugta Sii Galiyo, Dabadeedna Boorama Ugudbo!
October 12, 2020 - Written by Editor:

Soomaalidu WaxeY Tidhaahdaa Nin Fadhigaaga Arkaya Looma Sarajoogsado, In Badan Ayaan Ka Hadley, Nasiib Darada iyo Rajo La,aanta ay Gabiley Ka Mudatey Madaxweyne Ay u Qiiroodeen, Laakiin ay Kala Kulmeen Waxaanay Filayn inkastoo Muuse Biixi Yahey, Kii ugu Necbaa Madaxdii Soomaalida iyo Somalilandba Soo Martey, inabadan oo Maanta Ka Dhoohan, Wakhtiga aynu Kujirno iyo Halka ay Dunidu Maraysaana ay Wali Ninkaa Jaahilka ah u Guulwadaynayaan, Tusaale ahaan Waa Madaxweynihii ugu Aqoonta Yaraa ee ina Soo Mara Sababtoo ah Waxa Tusaale inoogu Filan Khudabdihiisa Jaban, iyo Damaciisa Nacasnimada ah ee Masaakiinta iyo inta dad ugu Xigta uu Culayska ku Saarey kagana Qaatay Hantidii Ma Guurtada aheyd.

Ninbaa Wuxuu Yidhi, Doqontu Sadex iyo Toban Indhood ayay Leedahay Mid Kaliya ayay Cadaawaha Iskaga Eegtaa 12 kalena,Waxey ku Fiirisaa Walaalkeed iyo inta Dad ugu Dhaw, qolada Jaamacada Timacade Afar Jeer ayay ugu Tageen in uu Ardeyda Gabiley Kala Qeybgalo, Xaflada Qalinjabinta oo Waliba inamada La Shaqeeyaa Mar Walba hordhigeen, oo ku Yidhaahdeen Markaad Madaxweyne Khamiista Qalinjabinta Gabiley Ka Qeybgasho, Jimcaha Gabiley kusii Nagaw Sabtidana Ku Kalah Boorame Afarta Jeerba Si adag ayuu u Diiday, oo Waliba Ku Dagaalay Kuwii La Shaqeynayay, Waa Dhalinyaradii Qabyaalada Ku Taageeray Ee aan Seexan Habeeno Badan Doorashadiisa, Ee Lahaa Muusaw Najiidh, Waa Ayaandaro Wey Jireen Xaqiiqdii Rag Waayeel ah oo Garanayay Muuse Qofka uu Yahey, Laakiin Dhag Looma Dhigin, Maantana iyagaa Yaqaanay Muuse Ee Wali Qaarbaa Ka Dhago La, aHadaynu Dib ugu Noqono Dhibaatooyinka Gabiley Kasoo Mudatey Madaxdii Kala Duduwanayd Ilaa Cahdigii Afweyne Waa Mid aan Lasoo Koobi Karin, Kacaankii ayay Ku Dedaashay Si au Gobol u hesho Wuu Diiday, Marxuum Cigaal ayaa Xataa Geedaha Loo Fuulay, oo Taageeradiisii ay Dhabarka Kaga Jabtey Wuxuu ugu Badheedhay inuu Gobolkiisii Saaxil Ka Hormariyo, Daahir Rayaale ayay Luuqada Walba kula hadashey Kadibna Wuxuu Marey Waddo adag Si Mid Ka Dambeeyaa Aanu Gobol Dhameystiran Usiinin ayuu Ku Dhex tuurey Tuulooyinkii, Siilaanyo oo Waagii uu Mucaaridka ahaa Gobol u Balanqaadey ayaa isna Intii Yareyd Kaga Sii Joogsadey, Waxaa Xigay Ninka Maanta Talada Dalka Haya Ee Muuse Biixi Waxaa Ficiladiisa Ka Muuqda Inuu Cadaawad iyo Cuqdad Guun ah Gabiley u qabey, Ficilada uu Maalin Walba Samayanayo, Markaasay Waliba Qaar u Guulwadayanayaan Warmoogta ahi, jadaan Tusaale gaaban kasoo Qaato Wakhtigii Marxuum Cigaal ee Dagaalada Sokeeye Ka Socdeen Hargeysa Madaarka Kalabaydh ayaa La Furey, si Madaarkii Hargeysa Loogu Meelgaadho, isagoo Taa Ka Dagaalamaya, Muuse Biixi isagoo Wasiirka Arimaha Gudaha ah ayuu Deegaanka Abaarso, Madaar Ka Xaadhxaadhay, oo Waakii Ina Cigaal Kulahaa Muusaw Maantana Abaarso Xaadxaadhkaagiiba.

Waar Reer Gabilayaw Xaqiiqda Markaynu Ka Hadalano Muuse Biixi Idinma Jecla, Idinma Ogola Waa Cadawgiina Koowaad Alle Dhiiga idinkama Qaadee Maanta oo aynu Mareyno 2020kii Ayuu Deegaanadii Gobolka Degmadii Arabsiyo Ka Goynayaa, Waatii ay Aw Ciise Jaamac(Gacanloo), isku Haysteen 1994kii Guntiga Dhiisha Iska Dhiga oo hadaad Dhimanayso Dhareerkaa la Iska Duwaaye Ninkaa iyo Wixii Inoo kala Meel Yaala Mooyaane, Yaynaan Rajo Ka Sugin Maalin Walba Waxaad arkeysaa Qaar Ku Foogan oo Ku Maqan oo u Jawaabaya Dadka uu Ka Jecelyahey, Ee Isaga Wax Ka Goosanaya, Bari iyo Galbeedba.

QALINKII; Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:-064466339

COMMENTS
LINKS