Maxaa Qaranka Somaliland Uga Meelyaala Ragga Ku Kaca Kufsiga Iyo xad-gudubyada Jinsiga Ee Ka Dhanka Ah Haweenka?W/Q;Eng Xuseen Dayr. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Qaranka Somaliland Uga Meelyaala Ragga Ku Kaca Kufsiga Iyo xad-gudubyada Jinsiga Ee Ka Dhanka Ah Haweenka?W/Q;Eng Xuseen Dayr.
October 12, 2020 - Written by Editor:

Nin Kasta Oo In Uun Damiir leh; Waajib Diimeed, mid Dadnimo iyo mid Bini’aadanimo ayaa inaga saaran in aynu si dhab ah ula dagaallano Kufsiga iyo Xad-gudubyada Jinsiga ah ee ka dhanka ah haweenkeena iyo gabdhaheena.

Ma jiro nin rag ah oo u dul qaadan kara in haweenka iyo gabdhaha ka mid ah qoyskiisa lagula kaco KUFSI iyo xad-gudubyo lagu waxyeelanayo sharaftooda!!!

Haddaba, maxaa ku dhacay DAMIIRKII, DADNIMADII iyo DAMQASHADII Bulshada Somaliland?? Maxaynu u eeganaynaa dheg xumada iyo ku xad-gudubka Sharafta Haweenkeena, oo ah hal-bowlaha jiritaanka Nolosheena??

Ummad ahaan waxa ceeb iyo murugo inoogu filan dhacdadii foosha xumayd ee dhawaan ka dhacday magaalada Burco!!

Madaxweynaha JSL Muse Biixi Cabdi si adag buu ugaga hadlay khudbadii uu ka jeediyey Furitaankii Shir Weynihii 4-aad ee Xisbiga Kulmiye, wuxuuna sheegay in Xukuumadiinu ay soo wado Xeerar adag oo lagu xakamaynayo ceebtan bulsho ee gondaheena taalla!!

Laakiin, la dagaalanka iyo cidhib tirka KUFSIGU waa masuuliyad wadareed saaran qof kasta oo damiir leh oo  ka mid ah ummadda Somaliland.

Haddaba, si wax looga qabto danbiyada Kufsiga ee Haweenka lagula kaco;  waxaan soo jeedin lahaa labada arrimood ee soo socda:

1.Waa in la soo saaro Xeer qeexaya Nin kasta oo ku kaca KUFSI oo ay Maxkamadi si cad oo aan muran lahayn ugu caddayso, in LA DHUFAANO si aanu mar kale ugu kicin Kufsi iyo xad-gudubyo kale oo ka dhan ah haweenka.

2.Waa in la soo saaro Xeer qeexaya Nin kasta oo ku kaca KUFSI oo ay Maxkamadi si cad oo aan muran lahayn ugu caddayso, in lagu qoro DIWAANKA QARANKA EE DAMBIYADA KUFSIGA, taasoo magaciisa oo dhan, da’diisa, Gobolka uu ka soo jeedo iyo Sawiirkiisaba lagu qoro, hadii loo baahdana Bulshada loo soo bandhigo.

Eng Xuseen Aadan Cige Dayr.

COMMENTS
LINKS