Xogaha Kasoo Baxay Kulan Adag Oo Dhex-Maray Madaxweyne Biixi Iyo Madax-dhaqameedka Iyo Aqoonyahanka Awdal! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogaha Kasoo Baxay Kulan Adag Oo Dhex-Maray Madaxweyne Biixi Iyo Madax-dhaqameedka Iyo Aqoonyahanka Awdal!
October 15, 2020 - Written by Editor:

Boorama, (W,N)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu Magaalada Boorama intii uu ku sugnaa uu kullamo la yeeshay Madax-dhaqameedka iyo Aqoonyahanka reer Awdal,waxaanu kale hadlay qadiyada doorashooyinka iyo arrinta tabashada saami-qaybsiga iyo arrimo kale.

Kullankan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee uu Magaalada Boorama kula qaato Madaxweyne Biixi madax-dhaqameedka iyo aqoon-yahanka reer Awdal tan iyo wixii ka dambeeyey intii ay Maxkamadda Sarre ee Somaliland ay qaraarka ka soo saartay qaabka lagu gelayo doorashada Golaha Wakiilada Somaliland.

Madaxweyna Biixi iyo Odayaasha iyo aqoon-yahanka Awdal ayaa la sheegay inay kullamadoodu ay saacado qateen,waxaanu Madaxweynuhu ahaa inta badan mid dhegaysanaya tabashadooda iyo arrimaha ay u baahan yihiin inay Xukuumaddiisu ay wax kale qabato,isagoo wax baddan ka garaabay oo sheegay inuu sixi doona, isla markaana hawraarsan ku qaabilay arrimaha qaar.

Dhanka kalena kullankan ayaa waxa kale oo la sheegay in Madaxweyenaha iyo Odayaasha iyo Aqoonyahanka Awdal ay kaga wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta iyo arrinta muranku ka taagan yahay ee saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada,waxaanay u sheegeen inay dib iskugu noqonayaa talo,balse hadda aanay wax go’aan ka gaadhi karrin inay ka tanaasulayaan arrinka saami-qaybsiga Golaha Wakiilada oo ay doorashada ka dib u dhiganayaan qadiyaas iyo in kale.

Siyaasi Maxamed Abiibi oo kamid ah Siyaasiyiinta Gobolka Awdal oo war-baahinta la hadlayey ayaa sheegay in kullamada uu Madaxweyne Biixi la qaatay Odayaasha iyo aqoon-yahanka Awdal in aan wax natiijo ahi kasoo bixin waxaanu sheegay in xalka looga baahan yahay Madaxweynaha “ilaa inta aan ka war-qabo odayaasha wuu la kulmay aqoon-yahanka Gobolkana wuu la kulmay oo wuxuu kale hadlay doorashada waxay ku yidhaah-deen aqoonyahanku  waxaanu annagu ballan qaadi karraynaa ma jirto iyadoo ay reer Awdal isku tashadaan oo tallo dambe la soo saaro mooyee annagu wax-ba ma ballan qaadi karno.”Ayuu yidhi

Waxaanu intaas ku sii daray isagoo haddalkiisa sii wata “Odayaashuna waxay ku yidhaah-deen mawqif kayagu wuxuu ku dhan yahay baaqii aan soo saarnay maalintii annagoo isku dhan,Xildhibaanada ,Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Mawqif kayagu halkii ayuu taagan yahay adaa xal lagaa sugayaa Madaxweyne ayey ku yidhaah-deen.”Ayuu yidhi Maxamed Abiibi

Si kastaba ha-ahaatee kullankan Madaxweyne Biixi uu Boorama Kula yeeshay Odayaasha iyo aqoonyahanka reer Awdal ayaanay waxa natiijo ahi ka soo bixi ama aan wax is afgarad ah laga gaadhi arrimaha la isku maan dhaafsanaa ee Saami-qaybsiga kuraasta golaha Wakiilada,taas oo keenta in lagu kale kaco kulankaas.

XIGASHO WARGAYSA FOORE.

 

COMMENTS
LINKS