Isku Dhac Ciidanka Booliska Magaalada Wajaale Iyo Dhalinyaro Oo Sobobay Dhaawac Hal Qof. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isku Dhac Ciidanka Booliska Magaalada Wajaale Iyo Dhalinyaro Oo Sobobay Dhaawac Hal Qof.
October 15, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE (W,N)-Ciidamada Booliska Ee Degmo Ganacsiyeedka Tog Wajaale ayaa caawa fiidkii Wiil dhalinyaro Ah ku  dhaawacay gudaha magaalada Wajaale, kadib markii ay isku Dhaceen ciidamo roondo ah iyo koox dhalinyaro oo goob ku Cawaynayay.

Wararka laga Helayo isku dhaca ciidanka booliska wajaale iyo kooxdan dhalinyarada ayaa sheegaya in askari katirsan ciidanku markii ay is Afdhaafeen dhalinyarada uu ku furay xabad taasi oo sobobtay Dhaawaca mid kamid dhalinyaradii oo ay xabadu kaga dhacday lugta kaasi oo ay soo gaadhsiisay dhaawac culus oo sobobay in xaaladiisa caafimaadka loosoo gudbiyo cisbitaalka magaalada gabiley, oo hada lagu dabiibayo xaaladiisa caafimaad.

Dhaawaca wiilkan dhalinyarada ayaa waxaa ka dhashay rabshado iyo isku soobax mudo kooban socday oo ay sameeyeen  qaarkamid ah dhalinyarada magaalada wajaale oo ka gadoodsan dhaawaca ay ciidamadu  ugaysteen wiilkan dhalinyarada ah kuwaasi agagaar saldhiga magaalada wajaale oo taayiro ku gubay, wallow ay markii danbe ciidamada booliska  goobta soo gaadheen ay   kala dareeriyeen dhalinyaradii.

Dhanka kale Maamulka magaalada wajaale oo aanu la xidhiidhay ayaa noo xaqiijiyay dhacdadann ay ciidanka boolisku ku dhaawaceen wiilka dhalinyarada iyagoo sheegay in  ay hada Degan Tahay Xaalada Magaaladu islamarkaana ay baadhitaan ku wadaan sidii ay wax udhaceen.

Wixii kasoo kordha isku dhaca ciidanka booliska magaalada Wajaale iyo dhalinyarada oo sobobay dhaawaca wiilka dhalinyarada  kala soco Wixii faah faahin Ah wararkeena danbe.

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS