Golaha Wasiirada Jsl Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelanaya Go,aanka Ay Xukuumadu Markale Ka Qaadanayso Shirkadaha Fly Dubai Iyo Al Carabiya Oo Ka Horyimid Qawaaniinta Dalka’ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wasiirada Jsl Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelanaya Go,aanka Ay Xukuumadu Markale Ka Qaadanayso Shirkadaha Fly Dubai Iyo Al Carabiya Oo Ka Horyimid Qawaaniinta Dalka’
October 16, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Tan iyo intii xukuumada somaliland Xayiraada Saartay Shirkadaha Diyaaradaha Ee FLY DUBAI IYO AL CARABIYA kadib markii ay ka amar qaateen maamulka somaliya oo Ay ka haystaan Ruqsada ogolaanshaha ay somaliland kaga shaqaynaysanayeen ayaa waxaa labadii bilood ee ugu  Danbeeyay Gudaha Somaliland ka socday Abaabulo ay wadaan Wakiilada Somailand Ujooga labadan diyaaradood  kuwaasi oo  xukuumada cadaadis Qabiilaysan Ku saarayay in ay xayiraada ka qaado labadan shirkadood ee  Fly Dubai Iyo Al Carabiya oo iyagu si badheedh ah uga hor yimid shuruucda dalka halka aanay wali Somaliland wax xidhiidh ah arimahani kala soo samaynin dawladaha leh shirkadahan diyaaradaha.

Iyadoo wakiilada labadan shirkadood ujooga somaliland ay iska indho tiranaya in ay uhogaansamaan shuruucda dalka iyo in  dawladaha leh fly Dubai Iyo Al carabiya  ay lasoo xidhiidhaan xukuumada somaliland oo ay la galaan heshiish, balse ay aamin sanyihiin awooda qabiilka iyo in ay xukuumada Madaxwayne biixi qasab kaga dhigi karaan ogolaanshaha Ah in ay dalka bilaa shuruud ku yimadaan diyaaradahani.

Wararkii Ugu danbeeyay ee laga helayo dhaqdhaqaaqyada ay gudaha Somaliland ka wadaan wakiilada FLY DUBAI IYO AL CARABIYA Ayaa sheegay in madaxwaynaha Somaliland ay arintan kala kulmiyeen madaxdhaqameed ka socday beesha bariga burco iyo wasiirada xukuumada katirsan ee isla beeshaasi oo u horkacayay wasiirka arimaha gudaha ayaa sida xoguhu sheegeen madaxwayne biixi ka dalbaday in xaryiraada ka qaado shirkadahan fly iyo al carabiya oo ay sheegeen in ay xataa caqabad ku tahay socdaal madaxwayne ee gobolada bariga .

Dhanka kale madaxwaynaha Somaliland biixi ayaa a sheegay in arintaasi ka gows adaygay isagoo la xidhiidhiyay sida labadan shirkadood ay ubaalmareen shuruucda somaliland halka uu madaxdhaqameedkii beesha bariga burco wasiiradoodii ku wargaliyay in arinta labadan shirkadood ay Maalinta bari Ah kal fadhi aan caadi ahayn oo deg deg ah ay ka yeelan doonaan golaha wasiiradu kuwaasi oo lagu wado in ay dood ka sheegeen suurtogalnimada in la fasaxo shirkado aan ogolayn in ay dalka ku yimaadaan ogolaasho ay ka hesho xukuumada Somaliland islamarkaana aan wali raali galin ka bixin awaamiirtii ay ugu hogaansameen maamulka muqdisho iyadoo FLY DUBAI Ka noqotay hawada wakhtigaasi oo  kusoo dhawayd hawada Somaliland.

Sikastaba ha ahaatee waxaa laga war sugi doonaa go,aanka ay golaha wasiirada Somaliland ka qaataan labada shirkadood ee fly dubai iyo al carabiya oo mudooyinkii udnabeyaysa wakiiladooda Somaliland ujoogaa ay abaabulayeen kicin dadwayne, madaxdhaqameed iyo dhalinyaro kasoo jeeda beeshooda oo xukuumada ku eedeeyay in ay shirkadahan u xayirtay reer ahaan kuwaasi oo madaxwaynaha ugu hanjabayay iyagoo mararka qaar kula kacay hadalo afgaalado ah halka  wakhti xaadirkana ay ku doodayaan si ay xukuumada cadaadis ugu saaraan in ay safarka madaxwaynaha ee gobolada bari kasoo horjeedaanbeeshoodu  hadii aan xariyaada laga qaadin FLY DUBAI IYO AL CARABIYA Taasi oo dhaawac ku ah dawladnimada fadeexadna ku noqon doonta qaranka hadii ay uhogaansamaan ficilada kasoo yeedhay wakiilada labadan shirkadood ee fly dubai iyo al carabiya.

 

 

 

COMMENTS
LINKS