Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Joogitaanka Ciidamada Maraykanka Ee Somaaliya, Xili Trump Ku Dhawaaqay In Ay Kala Baxayaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Joogitaanka Ciidamada Maraykanka Ee Somaaliya, Xili Trump Ku Dhawaaqay In Ay Kala Baxayaan.
October 16, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Madaxweynaya Dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay Taageerada milatari ee uu Maraykanku siiyo dowladdiisa, taasoo uu sheegay inay ka caawinayso dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab.

Hadalkan ayaa u muuqda mid madaxweyne Farmaajo uu kaga falcelinayo dareenka ku saabsan joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya, kadib markii madaxweyne Trump uu sheegay in ciidamadiisa uu kala soo baxayo Soomaaliya.

“Taageerada milatari ee Mareykanku siiyo Soomaaliya waxay noo suurta gelisay inaan si hufan ula dagaallano Al-Shabab una sugno amniga Geeska Afrika. Guul laga gaaro safarkan iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa lagu gaari karaa oo keliya iskaashi joogto ah oo xagga amniga ah,” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Trump ayaa afar sano ka hor ololihiisii doorashada ku ballanqaaday inuu ciidamada Maraykanka dib ugusoo celinayo dalkooda, balse taasi ma dhicin, in lasii kordhiyo mooyee. Isagoo dhawaana ku baaqay In ciidamada maraykanka ee ku sugan soomaliya laga soo saaro.

 

 

 

COMMENTS
LINKS