DAAWO;-Xisbiga Ucid Oo Agabka Ciyaaraha Ku Wareejiyay Xulka Gobolka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Xisbiga Ucid Oo Agabka Ciyaaraha Ku Wareejiyay Xulka Gobolka Gabiley.
October 16, 2020 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Somaliland Ee Ucid Ayaa qalab sporti ku Wareejiyay Xulka Gobolka Gabiley Usafan doona koobka gobolada somaliland oo lafilayo in uu dhawaan bilowdo.

Xoghayaha Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Xisbiga Ucid Faarah Ahmed Yusuf Iyo Xogayaha Xidhiidhka Laamaha Dibadda Iyo Xarunta Dhexe Ee Xisbiga Ucid Mustafe Cabdirisaaq Ayaa Qalab Ciyaareed Dhamays Tiran Guddoonsiiyey Xulka Kubadda Cagta Ee Gobolka Gabiley.

Agabkan Ayaa Waxaa Ku Soo Deeqay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Dadka Maraykanka Abdelrahman Omar

Oo Ah Musharax U Taagan Doorashada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley.

Waxaa Munaasabada Wareejinta Agabkaa ku Wehelinayey Labada Xoghaye Guddoomiyaha Gobalka Gabilay Cabdi Cabdilaahi Daahir Iyo  Xoghayaha  Gobolka Gabilay Cabdiraxman Muuse Iiman.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

COMMENTS
LINKS