Siyaasi Cali Guray Oo Markale Ka Digay Khatarta Shirkada Tragura Oo Xukuumada Somaliland Damacsan Tahay In Ay Wareejiso Maaha Kaydka Shidaalka Ee Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Oo Markale Ka Digay Khatarta Shirkada Tragura Oo Xukuumada Somaliland Damacsan Tahay In Ay Wareejiso Maaha Kaydka Shidaalka Ee Berbera.
October 16, 2020 - Written by Editor:

MAXAA RUN AH, MAXAAN AHAYN, MAXAA DAN AH EE UGU JIRA SOMALILAND.

Marka hore ma jiro wax cadaynaya in shirkadani ay ku lug leedahay aasidda qashinka  Nuclear Waists hase yeeshee waxa jira qashimo  sumo ah oo la xaqiijiyay in ay ku aastay dalka Aviary Coast iyo shixnad isla qashimadaa sumaha ah oo markab ay ugu rartay dalka Norway oo la qabtay. Shirkadda Travigura oo ka ganacsata saliidda ayaa la cadeeyay in ay xogogaal u ahayd in qashimadaasi ay ku jirtay maadado halis ahi sida lagu cadeeyay dokomenti sir ah oo ay shirkaddu lahayd loona bixiyay Warbixintii Milton (Minton-report) oo ay heleen qaar ka mid ah warbaahintu sida The Norwegian Broadcasting Cooperation.

Sida ay warbixintu xustay qashinka Probo Koala waste waxa xaqiijiyay khabiir metelayay Travigura ha yeeshee shirkaddu waxay go’aansatay in aanay daahfurin warbixinta. Warbixinta ayaa xaqiijisay in qashankan Travigura ay u dirtay Norway ay ku jirtay maadadda hydrogen sulphide (H2S) iyo noocyo kale oo sumo ah (wide variety of toxic substances). Labada qadiyadood ee la xidhiidha qashimada sumaha ah ee Aviary Coast iyo Norway ayaa noqday fadeexado si cad u shaacbaxay oo sababay in lagu oogo dacwado ka dhan ah Travigura. Waxa kaloo la xaqiijiyay in shirkaddu si ay uga baxsato sharciga ama hawlfududayn u hesho oo loogu muraad-qumiyo ay jiraan laaluushyo ay bixisay oo ay siisay madaxda wadamada ay ka shaqayso qaarkood. Waxa kale oo shirkadan iyo qashimadeeda sunta ah dabagal ku sameeyay haya’daha Amnesty International iyo Green Peace oo ku cambaareeyay khatarta ay sumahaasi u leeyihiin dadka iyo deegaanka.

Dhinaca Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda wax faafaahina ka bixin heshiiska ay la gashay shirkaddan iyo danta ugu jirta Somaliland. Somaliland maaha markii ugu horeysay ee shirkad shisheeye oo ka ganacsata shidaalka ay heesh kula gasho Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera.

Waxaynu ogayn in xiligii Cigaal ay heshiis Somaliland la gashay shirkad la odhan jiray TOTAL Red Sea balse dhinaca sharciyadda heshiiskaasi muu ahayn mid qarsoodi ah waxana laga ansixiyay Barlamanka Somaliland taas oo markan aan dhicin. Heshiiskan waxa lala galay Trivagura iyo in haba yaraatee ay wax dan ahi ugu jirto Somaliland in kale ma jirto cid og oo aan ahayn Madaxwaynaha iyo Wasiirkiisa Ganacsiga ee Shirwaynihii Kulmiye loo doortay xilkii uu hore xisbiga uga hayn jiray Madaxwayne xigeenka Cabdiraxmaan Zalici ee Gudoomiye xigeenka 4aad

Hadaba shacbiga Somaliland xaq waxay u leeyihiin in aan daaha laga saarin marka hore halista uga iman karta qashimada sunta ah ee ay la meeraysanayso Travigura oo laga yaabo in ay ku aasi doonto goobo ka mid ah dhulka Somaliland waana arin dhici karta mar haddii aynu ognahay oo ay dhacday shirkadan lafteeduna ay ku kacday, mana jirto wax damaanad uga ah in aanay ku aasi doonin qashinkeeda sunta ah Somaliland.

Kolay madaxda ku lug lahayd heshiiskan dhinaca Somaliland waa hubaal in ay ka warqabeen halisaha ku xeeran heshiiska lala galay Travigura. Hadana ilaa maanta ma jirto waxay gebi ahaanba ka sheegeen iyo xataa waxa ay Somaliland ka faaiidayso heshiiska dhagaraysan ee shirkaddan. Warsaxaafadeed ka soo baxay dhawaan Travigura ayaaba wax ka iftiimiyay heshiiskan oo sheegay keliya danaha ay iyadu dhinaceeda ka leedahay iyo ahmiyadda uu u leeyahay heshiiskani, balse aan waxba ka odhan waxtarka uu Somaliland u leeyahay hadiiba uu jiro maba jiro oo madaxda Somaliland ayaa sheegi lahaaye

Siyaasi Calu Maxamed Yuusuf “Cali gurey”

HARGEYSA. SOMALILAND

COMMENTS
LINKS