Shirkada Fly Dubai Oo Sheegtay Inay Wada-Hadallo U Socdaan Somaliland, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Fly Dubai Oo Sheegtay Inay Wada-Hadallo U Socdaan Somaliland,
October 17, 2020 - Written by Editor:

“Waxaan Kuu Xaqiijinaynaa In Fly Dubai Xilligan Ay Wada-Hadallo U Socdaan Hay’adaha Ay Khusayso Ee Hargeysa..”

Hargeysa (W,N) – Shirkadda Fly Dubai ayaa sheegtay inay Wada-hadallo u socdaan Maamulka Hawada ee Somaliland, Wada-hadalladaasi oo ujeeddadoodu tahay sidii diyaaraddaasi duulimaayadeedii dib uga bilaabi lahayd Madaarrada Somaliland.

Afhayeenka Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai oo Waraysi kooban siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in shirkaddoodu ay illaa bishii June ee sannadkan ay si tartiib-tartiib ah dib ugu bilaabaysey duulimaadyadeedii u qorshaysnaa, shirkad ahaana ay mar walba u hoggaansan yihiin shuruucda.

Afhayeenka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Fly Dubai waxay si tartiib-tartiib ah illaa bishii June, 2020 dib ugu bilowday duulimaayadeed u qorshaysnaa, khad kasta oo cusubna marka la ansixiyo waxa lagu dhigaa Mareegta Flydubai.com.”

Afhayeenku wuxuu xaqiijiyey inay Wada-hadallo ujeeddadoodu yihiin inay duulimaadyadoodii dib uga bilaabmaan Somaliland u socdaan Maamulka Hawada ee Somaliland “Waxaan kuu xaqiijinaynaa in Fly dubai xilligan ay wada-hadallo u socdaan Hay’adaha ay khusayso ee Hargeysa, wax kasta oo soo kordhana waalla shaacin doonaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waa in la ogaadaa in duulimaadyada Hawada ay hagaan Maamullada Madaniga ah ee duulimaadyada ee labada Waddan, Fly Dubai-na waxay si buuxda ugu hoggaansan tahay dhammaan Shuruucda..”

Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai ayaa ka mid ahayd Shirkad sababo la xidhiidha Xanuunka Covid_19 ugu dhaqmay Amar Xayiraadeed oo ka soo baxay Dawladda Soomaaliya.

Fly Dubai waxay ka gaabsatay inay ka jawaabtay su’aalo uu Wargeyska Geeska Afrika waydiiyey oo uu yihiin sababta ay duulimaadyadeedii Hargeysa ugu joojisay Amarkii Dawladda Soomaaliya iyo kuwo kale oo ku saabsan Cidda ay Liisanka ka qaateen

Dalalka Dunida badankooda ayaa Xayiraado ku soo rogay diyaaradihii uga imanayey dunida inteeda kale, si looga gaashaanto Xanuunka Covid_19.

XIGASHO GEESKA

 

 

COMMENTS
LINKS