Madaxweyne TRUMP Oo Markale Weerar Culus Ku Qaaday Ilhaan Cumar Iyo Talaabo Dhan Ah Oo Uu Ka Dalbaday Wasaarada Cadaalada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne TRUMP Oo Markale Weerar Culus Ku Qaaday Ilhaan Cumar Iyo Talaabo Dhan Ah Oo Uu Ka Dalbaday Wasaarada Cadaalada.
October 17, 2020 - Written by Editor:

WASHINGTON(W,N)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Wasaaradda Cadaaladda ka dalbaday inay baadhitaan ku sameyso xildhibaan Ilhaan Cumar, isaga oo mar kale weerar culus ku qaaday.

Trump ayaa ku eedeeyey Ilhaan Cumar inay guursatay walaalkeed, ayna si sharci-darro ah kusoo gelisay Mareykanka.

Trump oo habeenkii Jimcaha ka hadlayey isu soobax ka dhacay magaalada Ocala ee gobolka Florida ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inuu ku guulleysan doono gobolka Minnesota doorashada November, sababtuna ay tahay Ilhaan Cumar.

“Wey neceb tahay waddankeena. Waxay ka timid meel aysan xitaa ka jirin dowlad, haddana halkan ayey imaneysaa oo waxay noo sheegeysaa sidii aan u maamuli laheyn dalkeena,” ayuu Trump u sheegay taageerayaashiisa.

“Aad ayaad u mahadsan tahay, waa qof dhab ah — waa qof cajiib ah – waa qof cajiib ah,” ayuu Trump yidhi.

“Markaad eegto Aqalka [Wakiilada], ee Pelosi waxay neceb yihiin Israa’iil waxayna aaminsan yihiin Omar, oo halkan timid kadibna guursatay walaalkeed, si uu halkan sharci darro ugu yimaado,” ayuu yidhi Trump.

Ilhaan Cumar ayaa marar badan beenisay eedeynta la xidhiidha inay guur been ah u sameysay walaalkeed, si ay usoo geliso Mareykanka. Sidoo kale ma jiraan wax caddeymo ah oo la heli karo oo arrintan taageeraya.

COMMENTS
LINKS