Madaxweyne Muuse Biixi Maalinta Uu Qoyskiisa Ugu Dabaaldagayo Company Uu Furanayo Ayuu Reer Saaxil Kusii Ogeysiiyaa In Uu Dekedda Xadhiga Ka Jarayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi Maalinta Uu Qoyskiisa Ugu Dabaaldagayo Company Uu Furanayo Ayuu Reer Saaxil Kusii Ogeysiiyaa In Uu Dekedda Xadhiga Ka Jarayo!
October 17, 2020 - Written by Editor:

Maalmhanba Waxa Si aad ah Loo hadalhayey, in Socdaalkii Madaxweynaha ee Gobolada Galbeedku ahaayeen, kuwa Guuldaro Kusoo dhamaaday  Maadaama aanay habayaraatee, Jirin Mawduucyo  Siyaasadeed, oo midha,-dhal ah Kuwa Mustaqbal, oo Masiiri ah ama Qaranimada Somaliland Iyo Turxaan Bixinta Tabashooyinka Beelaha iyo Goboladu ka Qabaan Xukuumadiisa, oo aanay jirin habayaraatee inuu inuun Wax rajo ahi ka Muuqato taas oo uu kaga Soo Dabcayo Shakigiisa iyo Is-adkeynta, uu kujirey Sadexdaa Sano ee islasaxsanaanta, balanqaadyada aan Xaqiiqda ku Qotomin iyo  Khiyaamooyinkiisa aan Gabal dhac iyo Waa Baryey Maskaxdiisa Ka buuxa.

Waxa kale oo Iyana Ayaamahan hadana la Bilaabay Borobogaandooyinka Beenta ah ee Loogu Sii Qadimo Baraha Bulshada kuwaas oo Sheegaya inuu Ku Xafladaynayo Berbera oo Xadhiga ka jarayo, Dekedda iyo inuu Booqasho ku tagayo Gobolada Bari  booqashadaas oo aanay Waxba uga hooseyn Waxbana aanu kaga qabanaynin Duruufaha Nololeed iyo Arimaha jiraba, bal aan Ku horeeyo Xaflada lagu Sheegayo in uu Xadhiga kaga jarayo Dekedda Berbera.

Waxa laga Wada dharagsan Yahey, in Madaxweyne Biixi Arimahan Qaranka ay kala weynyihiin Danaha Gaarka ah ee Qoyskiisa Maadaama Berbera uu Xaflad Weyn ugu Qabanayo, Shirkada Shidaalka Qandaraaska ku Qaadatay ee Tarfigura oo Shacabka Somaliland Aqoonyahanka Ganacsatadii Shidaalka keeni jirtey iyo Siyaasiyiin badaniba Kawada qeylyayaan, iyadoo aynu ognahay in Waxgaradkii iyo Dadkii Khibrada ulahaa Shaqada Berbera ee Dekedda iyo Haamaha, iyo Goob Kasta oo Muhiim ah oo Reer Saaxil ah Dibada looga Saarey, iyadoo dhawaana bilaa Sabab  loo Taxaabay inankii iska lahaa Warshadii Jayga, ee kasoo jeeday Gobolka taas oo u dheerayd in Sibidhkii Cumaaniga ahaa ee Reer Berbera dalka keenayeen lagu soo Furey Sibidh laga Soo Qaado Dalka Itoobiya  oo Madaxweynaha Qoyskiisa Kooto Loogu Xidhay Wax kasta oo ay Gacanta  ku hayeena laga Fara maroojiyay khiyaamooyin badana lagula kacay Kuwa kale oo badana lagu Soo Wado si Awooda Dawllada loogaga Qaado Wakaaladaha iyo Ajansiyada ay Gacanta ku hayaan Reer Saaxil.

Sikasta oo ay Tahay aynu Eegno Todobaadyada Soo Socda, iyo Bal Sida Madaxweynuhu usoo Qabsado Danaihiisaa Gaarka ah iyo Sida uu Shacabka iga Majara habaabiyo Xaqiiqda dhabta ah.

Wabilaahi Tawfiiq iyo Reer Saaxil

QALINKII; Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:-0634466339

COMMENTS
LINKS