Wiil Dhalinyaro Ah Oo Askari Katirsan Ciidanka Booliska Wajaale Dhawaan Toogtay Oo La keenay Cisbitaalka Hargaysa Iyo Xaaladiisa Oo Laga Dayrinayo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wiil Dhalinyaro Ah Oo Askari Katirsan Ciidanka Booliska Wajaale Dhawaan Toogtay Oo La keenay Cisbitaalka Hargaysa Iyo Xaaladiisa Oo Laga Dayrinayo.
October 17, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Cawaale Carab Aw Faarax Ayay 15 bishan Goor Habeenimo ah Markii  Askari katirsan Ciidanka booliska magaalada wajaale uu xabad nool oo uu u adeegsaday Dhalinyaro meel ku cawaynaysay  ay ku rideen kadib markii ay  is af dhaafeen sida ay dad ka agdhawaa noo sheegeen sobobtay dhaawac culus oo soo gaadhay Cawaale Carab Aw Faarax oo ah wiil dhalinyaro ah oo 19jir ah kaasi oo ay xabadu kaga dhacday lugta bidix gaar ahaan “jilibka horkiisa halkaasi oo ay goysay sida ay sheegeen dhakhaatiirka xaaladiisa caafimaad la tacaalaysa iyo eheladiisa In ay halbowle muhiim ah goysay oo sobobtay in waxba lagaga qaban kari waayo cisbitaalka wajaale iyo gabiley iyadoo hada uu yaala cisbitaalka wayn ee magaalada hargaysa,

Eheleda wiilkan dhalinyarada ah ee ay askari katirsan ciidanka booliska wajaale xabad nool ku dhuftay

Sidoo kale  wiilkan dhalinyarada ah oo dhaawaciisa lasoo gaadhsiiyay Cisbitaalka magaalada hargaya kaasi xaaladiisu halistahay.

Dhanka kale Qaarkamid ah ehelada wiilkan dhalinyrada ah ee dhaawaca culus qaba ayaa shabakada wararka ee wajaalenews usheegay in arintiisu culus tahay isla markaana ay dhakhaatiirtu usheegeen in uu go,an yahay halbowle muhiim ah kaasi oo hore uwaayay cid dawaysa mudadii sedexda cisho ahayd ee ay kolba dhakhtar gaynayeen islamarkaana laga cabsi qabo sida ay dhakhaatiirtu usheegeen ay suurtogal tahay in lugta la gooyo,

qoyska wiil ay askariga katirsan ciidamada booliska wajaale uutoogtay ayaa sheegay in aanay jirin wax gurmad ah oo kasoo gaadhay dhinaca xukuumadu in aanu jirin haba yaaraatee halka aanay jirin sidoo kale  wax xidhiidhka oo ay lasoo sameeyeen masuuliyiinta ciidanka boolisku.

Sikastaba ha ahaatee dhaawaca wiilkan dhalinyarada ah oo culus ayaan jirin wax gurmad ah oo ay ka gaysteen xukuumada,ciidanka booliska iyo maamulka degmada tog wajaale oo ay iyaga masuuliyada koobaad ka saartay wallow ay sheegeen in ay xidheen askari dhaawaca ugaystay oo uu ku xidhan yahay saldhiga magaalada wajaale

Maaha markii uhoraysa ee askari katirsan ciidanka booliska Magaalada  wajaale uu toogto qof reer wajaale hore ayaa magaalada wajaale waxaa uga dhacday dhaco shacabka magaalada iyo guud ahaan reer Somaliland ka yaabisay kadib markii maalmo kadib duleedka magaalada wajaale laga helay wiil dhalinyaro oo inta ay ciidanka boolisktu toogteen uu maydkiisiina uu cunay waraabe la helay duleedka magaalada  kaasi oo qaybo yar yar oo maydkiisa ah laga soo ururiyay halkii laga helay.

Xukuumada Somaliland ayaa looga fadhiyaa in ay jawaab deg deg ah ka bixiso falkaa foosha xun ee ciidanka boolisku kula kaceen wiil dhalinyrada ah oo wakhti xaadirkan ubaahan in loo qaado dhakhtar dabadeed si loola tacaalo xaaladiisa caafimaad oo u baahan gar gaar deg deg ah,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS