Ururka Dhalinyarada Degmada Tog-Wajaale Taakul Volanter Organization Oo Beeray In Ka Baddan 310 Geed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Dhalinyarada Degmada Tog-Wajaale Taakul Volanter Organization Oo Beeray In Ka Baddan 310 Geed
October 17, 2020 - Written by Editor:

Tog-Wajaale(WJN)-Waa Hawshii ugu Weyneyd Ee Nooceedu ahaa tabarucaad ay Gacan ka Geystaan Dhalinyarada Iskood Isku Abaabuley oo Kasoo jeeda Deegaanka Degmada  Tog-Wajaale ee kutaala Xuduuda u Dhaxeysa Somaliland iyo Itoobiya gaar ahaan Dhinaca Somaliland, Ururka Taakulo Volanter Organization Waxey ku Beereen Qeybaha Kala Duwan ee Gudaha Magaalada in ka Badaln 310 geed hawshaas oo noqoneysa dhaqdhaqaaqii Dhinaca Arimaha Bulshada tii ugu balaadhneyd, ee Sanado Badan Laga qabtey Wajaale iyadoo, aynu ognahay in Dhirtu Door ka Qaadato Cimilada, Quruxda, Iyo Faaiidooyinka Badan ee Deegaanku kala kulmo Nolosha Bulshada Xoolaha iyo Deegaankaba.

Dhirtan, oo laga Keenay Dalka Itoobiya Gaar ahaan Magaalada Naasireet, oo isugu Jirta Nooc Walba, Waxa ay hadana Dhalinyaradani gacan ka Geysteen Sidii loogu Beeri lahaa iyo Sida loogu Qeybin Lahaa Gudaha Magaalada Tog-Wajaale, iyagoo Dhinaca laga Soo galayo ee Jidka Magaalada Ku beeray in ka badan 50 geed, Halka ay cusbitaalka Tog-Wajaalena ku Beereen in ka Badan 50 Geed, Sidoo kale Waxey ku Beereen oo u Qeybiyeen Min 30 Geed labada Dugsi ee kala ah Dugsiga Hoose/Dhexe ee Xasan-Cawke iyo Dugsiga Sare ee Kaamil Ciise.

Waxa kale oo ay Dhalinyarada Taakulo ee u Kacay Degmada Tog-Wajaale gacan ka Geysteen oo ay isku xilqaameen in ay dabaraan Beerista, Siliga lagu Xidhayo, Waraabkooda, iyo Ilaalinta iyo Xanaanaynta 160 Geed oo kamid ah Dhirta ay Keeneen Magaalada Tog-Wajaale halka 150ka kalena ay Kala Wareegeen Maamulka Degmada oo u Sheegay in ay U dirayaan Shaqaalahooda,iyo Hawlwadeenadooda islamarkaana, ay ka Beeri doonaan Xarumaha Laamaha Dawllada ee Degmada Tog-Wajaale Laakiin ay Ka Warhayn Doonaan Dhalinyarada Keenay Dhirtaasi.

Xubnaha Dhalinyarada Ururka Taakulo, ee Gacanta ugu Weyn ka Geystay Barnaamijka Dhireynta Magaalada Tog-Wajaale oo ah kii Ugu Fiicnaa ee abid laga Qabto Degmadaasi kuna Tabarucaan dhalinyaro iskood isky xilqaamay Waxey kala ahaayeen.

1-Farxaan Xaaji Cismaan Maxamuud

2 isamaaciil Axmed Aaden (Raage)

3 Cabdiraxmaan Cabdilaahi Yuusuf

4 Eng Cabdi Jeex Maxamuud

5 -Caaqil Daahir  Abiib Cabdi.

Iyo Xubno kale oo Tira badan oo aynaan Halkan kusoo Koobi Karin.

Waa Markii u horeysay ee Nooceeda ah oo Dhalinyaro kasoo jeeda Degmada Tog-Wajaale Mashruuc dhirbeeris ah oo Miisaankan leh ay ugaga Hawlgalaan Si Tabarucaad ah oo ay Wax ugu Qabanayaan Deegaankooda iyo Degmadooda Tog-Wjaale dhirtan oo Ka Qeyb qaadan Doonta Quruxda iyo Cimilada Deegaankaba Waana kii ugu balaadhnaa ee Falka Somaliland layidhaa laga qabto Sanadihii lasoo dhaafay, Waxaanay sheegeen in Qeybtani aheyd Wajigii Koobaad laakiin ay Soo wadaan Qeybo Dambe Oo wax badan ka badeli doona Tog-Wajaale.

 

COMMENTS
LINKS