DAAWO;-Banaan Bax Lagaga Soo Horjeedo Falkii Toogashada Ahaa Ee Ciidanka Boolisku Kula Kaceen Cawaale Carab Oo Ka Dhacay Magaalada Wajaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Banaan Bax Lagaga Soo Horjeedo Falkii Toogashada Ahaa Ee Ciidanka Boolisku Kula Kaceen Cawaale Carab Oo Ka Dhacay Magaalada Wajaale.
October 20, 2020 - Written by Editor:

Dhalinyarada Magaalada Wajaale Oo Iskugu Soo Baxay Mudo Haraad ay kaga Soo Horjeedaan Falkii Toogashada Ahaa Ee Askari katirsan Ciidanka Boolisku Kula Kaceen Cawaale Carab, Oo Ay Dalbadeen In Cadaalada Uu Helo,

TOG WAJAALE(W,N)- Qaarkamid ah Dadwaynaha  Ku dhaqan Magaalo Ganacsiyeedka tog wajaale oo ay hormuud ka yihiin Dhalinyrada Iyo Haweenku ayaa maanta iskugu soo baxay Mudo Haraad Salmi Ah oo ay kaga soo horjeedaan falkii foosha Xumaa ee Askari katirsan Ciidanka Wajaale uu ku toogtay Cawaale Carab Aw Faarax Oo kamid dhalinyarada Magaalada Wajaale kaasi oo hada xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo dhakhatarka wayn magaalada hargaysa.

Dhalinyrada reer wajaale ee maanta isku soo baxa dhigay ayaa xukuumada madaxwayne biixi ka dalbaday iyo hogaanka ciidanka booliska in uu cawaale  helo  cadaalad isagoo xabada Uu askarigu ku dhuftay ku waayay midkamid ah lugihiisii.

Sidoo kale dhalinyarada Reer ayaa sheegay in aan loo dul qaadan doonin in askartu inta ay iska toogtaan shacabka hadhowna layidhaa boolisku waa saaxiibka dadwaynaha.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS