M. Biixi Iyo Bootaan Ee Kulankii Burco!!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
M. Biixi Iyo Bootaan Ee Kulankii Burco!!.
October 20, 2020 - Written by Editor:

faysal Cabdi Bootaan Waxa uu kamid ahaa dhalinyaradii 1983  Keenadiidka ahayd ee ku biiray Jabhadii hubaysnayd ee SNM ee dalka ka curtay oo ay markaa horkacayeen Col.Abdulqadir Koosaar, Col. Aadan Shiine iyo Col. Maxamed Kahin.

Halgamaa Faysal oo caan ku ahaa dhiiranaanta iyo sooma-jeestenimada wuxu galay in ka badan 100 dagaal , jidhkiisana inta xabadi ku dhacday ama ku jirto iyo inta bed-qabta way is leeg yihiin , Dagaalkii 1988kii ayuu si xun ugu dhaawacmay  wuu se’  ka soo doogay .

Soo gelitaankii Burco ee 1991kiina wuxu hogaaminayey Guutadii Carboonayd ee loo yaqaanay Sayid Cali Waxaanu isla sanadkaa 1991 noqday taliyihii ciidankii Xasilinta Burco (Koofiyad Casta) ee suurta geliyey qabsoomidda shirweynihii Burco ee lagaga dhawaaqay madax-banaanida Somaliland.

1994-kiina wuxu noqday Taliyihii Guutadii Koowaad ee lagu aasaaaay Ciidanka Qaranka ee fadhigeedu ahaa Haleya ,  faysal wuxu koorasyo Military u tegey dalka Dibaddiisa kana soo qalin-jebiyey kuliyado Dagaal .

Muddo 15 sanadood ahna wuxu ahaa Taliyaha Guutada Koofiyad Casta ee fadhigeedu ahaa Gambadhe ee nabad gelyada gobolka Sool salka u dhigtay .

Markii la bixinayey derajooyinka sanadkii 2013–2014’kii ayaa faysal  laga reebay Saraakiishii sare laguna khasbay in uu ka hoos shaqeeyo oo salaan siiyo askartii uu xukumayey 25 ka sano ! .

Ugu danbayn Markii madaxweyne Biixi noqday madaxweynaha JSL ayuu  ka garaabay dulmiga ku dhacay Taliye Faysal Cabdi Bootaan , xabaal gundheerna ka soo saaray darajadiisii la moora-duugay waxaanu siiyey darajada gaashaanle sare  iminkana waa taliyaha qaybta 12’aad ee ciidanka qaranka JSL .

Nasiib wanaag maanta Faysal waa nool yahay waanakan madaxweynaha gacan qaadaya isagoo kamid ahaa saraakiishii ka qayb qaatay soo dhoweynta madaxweynaha imaatinkiisa burco  isla markaana sugayey amaanka guud ee magaalada burco .

Cimri dheer iyo caafimaad qab ku waara labadiinuba

Qaadistii;Cabdi Dhaylo.

COMMENTS
LINKS