“Siyaasiyiintii Somaliland Soo Maray 1991-2020 Ilaa Maanta, May Helin Siyaasi Daacad Ay Ka Tahay Raadinta Ictiraaf Inaynu Helno.”!Amb Saamiya Muuse. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Siyaasiyiintii Somaliland Soo Maray 1991-2020 Ilaa Maanta, May Helin Siyaasi Daacad Ay Ka Tahay Raadinta Ictiraaf Inaynu Helno.”!Amb Saamiya Muuse.
October 20, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wakiilkii Hore Ee jamhuuriyada Somailand Ufadhiday Dalka Filland Amb Saamiya Muuse kana mid ahayd Shakhsiyaadka reer somaliland ee sida daacadnimada ah uga shaqaynaysay in somaliland mar uu kamid noqoto wadamada caalamka ayaa daboolka ka qaaday badhitaano dheer oo ay samaysay kadib Sida ay u kala duwan yihiin rabitaanka shacabka somaliland iyo siyaasiyiinta dalka hogaamiyaa , iyadoo badka soo dhigtay sida ay shacabka reer Somaliland ujecel yihiin in mar uun jamhuuriyada Somaliland caalamka ka hesho ictiraaf iyo sida aanay daacada uga ahayn siyaasiyiinta somaliland soo maray tan iyo intii ay jiray In Ay hesho Ictiraaf.

 

Sidoo kale Marwo saamiya muuse ayaa sheegay in ay siyaasiyiinta Somaliland hogaamiyaa la dagaalameed dadkii u ololaynayay qadiyada Somaliland iyadoo rajo beel ka muujisay madaxda Somaliland hogaamiya.

Marwo saamiya muuse ayaa sidaa usheegtay qoraal ay ku baahiyay barta ay ku leedahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

Ma Heli Doona Qof Ka Taga Taariikh Oo Somaliland Gaadh Siiya Aqoonsi Buuxa….?

“Baadhitaan Dheer Kadib Waxaan Ogaaday in shacabka Somaliland Ee ku Nool Gudaha Iyo Dibaddaba ay Daacad ka tahay in la helo Ictiraaf Buuxa oo dhamaystiran Laakin Siyaasiyiinti Somaliland soo maray 1991-2020 ilaa maanta Somaliland May Helin Siyaasi Daacad Ay ka Tahay Raadinta Ictiraaf Inaynu Helno….!

Tusaale waxaa ah dadkii ay ku weyneyd Somaliland oo had iyo Jeer Raadin jiray ictiraafka in ay Somaliland mar uun Ictiraaf Hesho  halkeebey ku danbeeyeen….? Waxaa hor istaagay Dadkaas jecel Somaliland waa kuwa aanay daacad ka ahayn Kalana foogeeyey dadkii walaalaha ahaa iyaga oo eegaya keliya Danahooda.

Ma rabo rajada dadkayga iyo dalkaygaba inaan niyad jabiyo waxyaabaha Iisoo baxay Awgeed oo aan cadaymeheeda Hayo.Mar ayaan heli doonaa siyaasiyiin shacabkooda daacad u Ah kuwa ka taga Taariikh Fiican oo dadkooda mideeya aragti Dheerna la yimaada.

QALINKII; Safiirkii Hore Ee Somaliland Ufadhiday Dalka Filand Samia Muse.

COMMENTS
LINKS