Madaxweyne Biixi In Uu Dalkii Iyo Dadkii Baabiinayo Waxaa Cadeyn U Ah Sida Uu UDhaqmayo!!W/Q;Najiib Ismaaciil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi In Uu Dalkii Iyo Dadkii Baabiinayo Waxaa Cadeyn U Ah Sida Uu UDhaqmayo!!W/Q;Najiib Ismaaciil.
October 20, 2020 - Written by Editor:

Waxaan Markhaati Loogu Baahnayn Soomaalidu Waxey Tidhaahdaa Nina Afkiisa Lagama Xaalsiiyo, Inkastoo Madaxweyne Biixi Afkiisa inooga Sheegay, in aanu Dalka iyo Dadkaba u haynin Wax Qorahe ah oo uu inaku Maamulo oo aanay uga Dambayn Waxna uga Hoosayn Afarta Kalmadood ee Gole Ka Fuulka ah oo Xikmadoodu Ku Dhamaato kuna Bilaabanto,Tororog, iyo Hadal Madhan.

Waxaan Laba Cali Isweydiinayn in Hadalkiisaa aan Qorshaha lahayni la galey, oo Afkiisu Ka Xadey Wixii Uurkiisa Kujirey Maadaama uu Boqolaal Ardey oo Ka Qalinjabiyay Jaamacadii Burco lasoo horjoogsadey indho adeyg iyo af-adeyg isagoo leh Dalkan iyo Dadkanba Waan La Meeraysanayaa Taasaa aheyd Midh Tusaale u ah Shacabiga oo aan laga daba tageyn.

Waxaa Kale oo Nasiib Darro ah in Madaxweyne Biixi laga Bilaabo Caasimada Hargeysa, Berbera iyo Burcaba uu Ku Jees jeesayo Beesha Bariga Burco ee Doorashadiisii Hiil iyo Hooba la barbar joogsatey, ee Siisay Fursada uu Maanta Raga ugu Faanayo  Haday yihiin Kuwii SNM Uga Soo Horeeyay Kuwii Ka halganka Badnaa Kuwii Ka Darajada Sareeyay iyo Kuwii aanu Beegsadeen Abidkii, ee Madaxweynanimo iyo  Gudoomiye Xisbi isugu Lamaaneeyay.

Waxaan Muran Ka taagnayn hadii uu Tawraad iyo Injiil akhriyo Umada Reer Somaliland bah iyo Beelba Cid Hadal uu Leeyahay ka dhagaysan Laheyd Majirteen hadaan Habarjeclo dabaqabatayn Maxeyse Ugu Talaa Mar Hadii uu Maanta ku Boodhikaasayo, oo ku Dilayo Iyaga oo Wax Kasta iyo arin Kasta oo ay La yimaadaan uu Birta hordhigayo, isagoo Ku Lisaya Beelo kale oo uu Maanta Saaxiibtinimo Cusub ka Samaysanayo Cambusaada iyo Canjarafeynta Beesha Habarjeclo Waxeynu ognahay in Odoyaashoodi, haday Yihiin Cuqaashii, Haday Yihiin Salaadiintii Magaca Lagayd, Haday Yihiin Ragii Waxgaradka ahaa ee Magaca Lahaa Siyaasi iyo Aqoonyahanba Markay Labaatan jeer ku Hungoobeen ee Balan Been ah u Dhigay ayay Quusteen Waxaana kaga Sii Daran Sida uu ula Maragsanayo uguna soofayanyo beelo Kale uu Hadba Cid ay Isku Cusub Yihiiin ugu Hor Dhaawacayo Waxaan kusoo Gabagabanayaa Shacabku Yaanay Ka ilqarsan ee Waajibkooda ha Gutaan illaahayna Wuu Ka qabanayaa Qarankan Beelaha ay hada Saaxiibtinimada Cusub u Bilaabantey Madaxweynaha Waxba yaanay Ku Faafaanine Ha Eegaan Ragii hore iyo Beelihii abdada lahaa Halka uu Dhigay.

Wabilaahi Tawfiiq

QALINKII;Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Wixii Fakir ah ila Wadaag Dadka aanu Isku Mawqifka Nahay

 

Tell:-0634466339

COMMENTS
LINKS