Dawlada Jabuuti Oo Xidhay Xadka Ay La Wadaagto Somaliland Iyo Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Jabuuti Oo Xidhay Xadka Ay La Wadaagto Somaliland Iyo Sobobta!
October 20, 2020 - Written by Editor:

LOWYO CADO(W,N)- Dawlada Jabuuti ayaa ku dhawaaqday inay Xidhay Xadka ay la wadaagto Somaliland, Walaacyo Kasoo kordhay dhinaca caafimaadka ah oo jira awgood.

Qoraal kasoo baxay dawlada Jabuuti ayaa lagu sheegay in xadka laga hakiyay isku socodka dadka mudo 15 maalmood ah, kadib markii caabuqa Covid 19 kusoo laba kacleeyay caalamka oo ay kamid tahay Somaliland,

Dawlada ayaa fulinta amarkan u xil saartay wasaaradaheeda Difaaca, Gudaha iyo Caafimaadka si loo ilaaliyo shuruucda badqabka bulshada reer Jabuuti ayaa lagu yidhi qoraalka maanta kasoo baxay dawlada jabuuti.

Amarkan lagu xidhay Xadka Jabuuti ay la wadaagto somaliland ayaa yimid sida ay sheegeen markii labaatan qof oo shalay ka talaabay xadka ay la wadaagto Somaliland ee lowyo cado  laga helay caabuqa Coronavirus,  waa sida ay sheegtay dawlada jabuutiye kadib markii isla shalay baadhitaan hubin ah loogu sameeyay iyaga oo ku sugan xuduudka.

Talaabada ay dawlada jabuuti ku xidhay xuduudka ay la wadaagto Somaliland ee lowyo cado ayaa xanibi doona boqolaal qof oo reer Somaliland iyo reer jabuuti ah oo u kala sugan labada dal taasi oo ay kasoo gaadhayso culus dhaqaale iyo xanibaad ku ku timaada isku socodka ganacsiga.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA KASOO BAXAY DAWLADA JABUUTI OO KU QORAN LUUQADA FARANSIISKA;

COMMENTS
LINKS