Dadka kufsiga ka badbaaday ee “xaaladah cakiran” kala kulmaya Brazil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadka kufsiga ka badbaaday ee “xaaladah cakiran” kala kulmaya Brazil
October 21, 2020 - Written by Wariye:

Paloma ayaa aruursatay lacag ku filan si ay isaga soo riddo ilmo markii dalka Brazil uu sida ba’an ugu faafayay fayraska karoona .

Hargaysa(WJN):-Haweeneydaan 27- jirka ah waxaa ku fusaday daba-yaaqadii sanadkii la soo dhaafay nin ay horey saaxiibbo u ahayeen kaas oo sidoo kale saaxiib dhow la’ ahaa qoyskeyda .

Hooyadaan oo ay haysata laba caruur ah ayaa uur qaaday toddobaadyo uun kadib markii ay ka guurtay gobalkii ay ku nooleed ee Bahia una guurtay Minas Gerais, oo ah gobal u dhow halka ay ka shaqeeyso.

“Ma garaneyn waxaan sameeyo ,” ayay tiri. ” waxa kaliya ee aan hubey waxey ahaayeen in aana rabin ilmaha”.

Brazil waxaa ay leedahay sharci adag oo la xiriira ilmo iska soo ridida.Waxaana loo oggalyahay oo kaliya kiisaska kufsiga marka hooyada nolasheeda looga cabsado in ay halis gasho ama marka ilmaha caloosha ku jira ay leeyihiin xaalad aan caadi aheyn.

Inkastoo Paloma sharci ahaan xaq u laheed in ay iska soo riddo ilmaha sida haween badan oo reer Braziil ah haddana si buuxda uguma caddeyn xuquudeeda.

Waxey ka walaacsaneed in ay booliska ku wargaliso kiiska kufsiga ah ee loo gaystay si ay u hesho ilmo iska soo ridid sharci ah ,iyadoo ay jiraan xeeladdo badanaa loo adeegsado in dumarka looga horjoogsado arrimahaan.

Balse waxay ka baqday aargoosi kaga yimaada qolyihii kufsiga gaystay. “Runtii waxaan ka walwalsanaa nabadgelyada caruurtayda,” ayay tiri mar ay hadleysay.

Ilmo iska soo rididda qarsoodiga ah ayaa khatar ah marka la sameeyo iyadoon xaaladahaadaha qofku ku suganyahay aaney la socon howlwadeenada caafimaadka waxayna ay horseedi kartaa dhibaatooyin sidoo kale khatar ayay gelin kartaa nolosha haweenka. Haddii la ogaado, haweenku sidoo kale waxay wajihi karaan afar sano oo xabsi ah.

Balse Paloma ma aaney garaneyn wax kale oo ay sameeyso waxaana bilowday kaydsiga qarash gaaraya 3,700 oo doolar taas oo ay u baahneed si ay ilmaha isaga soo xaaqdo.

Dhakhtar ayaa ka duuli lahaa Rio de Janeiro, oo in ka badan 900 oo kilo mitir u jirta gurigeeda cusub ee Minas Gerais, si arrintaan loo soo afjaro. Ka dib, cudurka faafa ee Covid-19 ayaa cuuryaamiyay Brazil, wuxuuna xiray garoomada diyaaradaha, saldhigyada basaska iyo xarumaha caafimaadka.

Dabayaaqadii bishii Abriil, Paloma waxaa uurkeedu gaarayay in ka badan 23 toddobaad. “Markay wax walba xirmeen, runtii way adkaatay in la safro – dhammaantood waxay noqdeen kuwo aad u dhib badan,” ayay tiri.

Daahitaanka ku yimid howlo badan ayaana sababay in Paloma ay Internedka ka raadiso xal waxaana ay ugu dambeyn heshay Milhas pela Vida das Mulheres, oo ah shabakad ka caawiso haweenka ilmo iska soo xaaqid bad qab ah .

 

Hargaysa Office

Wajaalenews.net

Wariye Akadir Habbane

COMMENTS
LINKS