Marwadii Jamal Khashoggi oo maxkamad la tiigsaneysa Dhaxal-sugaha Sacuudiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marwadii Jamal Khashoggi oo maxkamad la tiigsaneysa Dhaxal-sugaha Sacuudiga
October 21, 2020 - Written by Wariye:

Gabadhii uu doonaneyd weriyihii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi ayaa dacwad ka gudbisay dhaxal-sugaha Sacuudiga, iyadoo ku eedeyneysa inuu isagu amray dilka.

Hatice Cengiz iyo ururka u dooda xuquuqda bani`aadamka ee uu Khashoggi aasaasay kahor intuusan dhiman ayaa maxkamad la tiigsanaya Mohammed bin Salman iyo in ka badan 20 qof oo kale.

Khashoggi waxaa dilay koox Sacuudiga laga soo diray xilli uu ku sugnaa qunsiliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, ee dalka Turkiga, sanadkii 2018.

Dhaxal-sugaha ayaa beeniyay inuu amray dilka Jamal.

Khashoggi wuxuu aad u cambaareyn jiray dowladda Sacuudiga, isagoo dibadjoog ku ahaa dalka Mareykanka, isla markaana si joogto ah wax ugu qori jiray wargeyska Washington Post.

Dacwaddan oo ay shalay u gudbisay maxkamad ku taalla Washington DC, Ms Cengiz oo u dhalatay Turkiga ayaa sheegtay in dilka Jamal uu iyada gaarsiiyay dhaawac iyo khasaaro hanti.

Ururuka uu Khashoggi aasaasay ee Dawn, kaas oo u ololeeya dimuqraaddiyadda dalalka Carabta ayaa sheegay in howlahooda shaqo la carqaladeeyay.

Yuu ahaa Jamal Khashoggi?

Wuxuu ahaa weriye caan ah oo Sacuudiga u dhashay, Khashoggi wuxuu dhowr warbaahin oo Sacuudiga ku yaalla u tebiyay sheekooyin waaweyn oo ay ka mid ahaayeen qabsashadii Soofiyeetka ee Afghanistan iyo soo shaac bixii hoggaamiyihii ururka Al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.

Muddo tobnaan sano ah, Jamal oo 59 sano jir ahaa markii la dilay, wuxuu saaxiib dhow la ahaa qoyska boqortooyada Sacuudiga, wuxuu sidoo kale la taliye u soo noqday dowladda.

Balse isku dhac kaddib wuxuu u qaxay Mareykanka sanadkii 2017. Halkaas ayuuna bishii maqaallo ugu qori jiray wargeyska Washington Post, isagoo cambaareyn jiray Dhaxal-suge Mohammed bin Salman, oo ah wiilka Boqor Salman.

Maqaal uu bishii September 2017 qoray, Khashoggi wuxuu ku sheegay inuu dhowr jeer oo ka baqay inay xiraan dad uu soo diray dhaxals-ugaha.

Sidee ayuu Jamal Khashoggi u dhintay?

Markii ugu dambeysay ee la arko wuxuu sii galayay qunsuliyadda Sacuudiga, 2 October 2018 si uu uga soo qaato dukumentiyo uu u baahnaa si uu guursado Ms Cengiz.

Kaddib markii la dhegeystay cod wada sheekeysi ka dhex socday gudaha qunsuliyadda, waxaa soo baxday in Jamal isla maalintaas la dilay.

COMMENTS
LINKS