Nuxurka Buuga (The Compound Effect).Q/4aad. Soo Ururintii: Axmed Cali Kaahin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Buuga (The Compound Effect).Q/4aad. Soo Ururintii: Axmed Cali Kaahin.
October 21, 2020 - Written by Editor:

Cutubka 3aad : Caadooyinka.

Qaybtan bandhigeedu uu qoraagu udoortay waa Caadooyinka iyo Dhitaynta Saamayntooda. Aristotle waxa laga qoray “ waxaynu nahay waxaynu qabano” dadka jihada hore u socdaa waxay waddaagaan dhufsane kaliyay leeyihiin waana Caadooyin fiican, mana laha Caadooyin Xun,

Tabtaasi baana ka dhigtay dad Ogaal badan, haddana Waxqabad badan, Xirfad sarana ku daabay dhaqdhaqaaqooda halka ay ku jiraan inta badan diyaar garaw quman oo midho dhal leh, kuna lammaan tahay in ay jabiyeen dabinka caadooyinka xun’xun.

Waxa uu tusaale nool uu qoraagu inoogu sawirayaa tusaalahan soo socda oo ku qotama haddafyada guracan iyo kuwa quman faraqa u dhexeeya iyo raadaynta  dhaqamadaasi yaryar ku leeyihiin nolosheena caadana noqoto.

Haddii diyaaradi yooleeda ka leexato 1% magaaladay usocoto waxay ka dagi magaalo kale oo u jirta {150Miles}.Taasi waxay tusaale nool u tahay in dhaqan gurancan oo aad joogtaysaa kaa dajin jaro jiho aanad mahadin. waxynu nahay siday maalinteenu tahay kaliya. Waa in aynu toosnaa aqoonsanaan samaynta hadafka quman iyo ka qaloocan. Harren Hardy.

Wax walbaaba waa suurta gal sidaa daraadeed  erayga (Waayo) waa waxa kugu dhajinaaya hore u socodkaaga halka erayga (Sidee) macno yeelan mayso ilaa waayo kuu xoogaysato. Wax kas’tana is waydii in uu ku haboon yahay jadwalkaaga toosan, guushuna waxay ku jirtaa in aad xooga saarto xaqiijinta maaha samaynta shayga, wayna kala duwan yihiin in aad waxa qabato, iyo ka gun gaadhida, sidaasi oo kale xad dhaafin hirgalini ma damaanad qaado xad dhaaf farxada.

Sida Hopkins sheegay waxaan ahaa “nabarka kaliya ee ay ka walaacaan qoyskayagu” maadaama aanan dugsiga iyo waxbarashada ku liitay, balse markii dambe ee adeerkay I caawiyay daah furayna hibadayda gaarka ah waxaan noqday mid kamida jilayaasha ugu sareeya ee taariikhda soo maray.

Sidaa daradeed xadhfaafintu marbayna ku’ba haboonayn kaalintaan ku xiiqnay, waxaana laga yaabaa in qof waxbarashada ku liitaa uu aad ugu fiicnaan karo xirfada farsamada, ama kaalmo kale “markaa waa in geedka la beerayo iyo goobta laga beerayo aad loo darsaa”.

Dabaqa dhiiri galinta markuu ka hadlaayay waxa uu xusay qoraagu uur’ku taalooyin hore’oo suul daaray guusheenu waa in aan u isticmaali karnaa shidaal togan iyo dhisme isbadal, ugana jeedo “khalad kasta oo kaa hor yimaada u qaado waayo arragnimo iyo waxbarasho, iyo digtooni mustaqbal”.

Mar kale waxa uu qoraagu ka hadlay waxa loo yaqaan Hadafyada sidaan hore usoo xusnay saamaynta dhitayntu “waa Shaqo ku gaynaysa meel kale”, xirfada kaliya ee masuul ka ah badhaahe nolosha ahi waa “barashada sida ugu wax qabadsan ee hadafyo loo dhigto”.

Khariirad u jeex hadafkaad doonayso in aad xaqiijiso, waana hab falgalineed kaliya dayrka inoo dhexeeya hadafkaaga iyo adigu waa habdhaqan kaaga falgalineed ee joogtada ah.

Nolosheenu waxay u ban’taalaa qaacidadan.

 

Adiga Doorashadaada (go’aamada) + Habdhaqankaaga (ficilada) + Caadadaada ( joogtayso) + Dhitayntaada (wakhtiga) = Hadafkaaga

 

Shaqo gali saamaynta dhitaynta.

Qeex saddex caado oo kaaba hadafkaaga. Iyo saddex kale oo cusub bilawdana hurumarintooda hadda.

Qeex waxa kor u kacaaga qiime u yeela, waa maxay waxa aad jeceshay ee tolmeen shayga ku gaadh siiya badi. Waxa xigi doona idamka Rabbi (Swt)Q/3aad.

Soo Ururintii : Axmed Cali Kaahin

aakaahin@yahoo.com

 

COMMENTS
LINKS