Guddida Wanaag farista Oo Ka Digay Saamaynta Ay Baraha Bulshadu Ku Yeelanayaan Hab dhaqanka Dhallinyaradda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddida Wanaag farista Oo Ka Digay Saamaynta Ay Baraha Bulshadu Ku Yeelanayaan Hab dhaqanka Dhallinyaradda!
October 22, 2020 - Written by Editor:

Hargaysa (W,N)-:-Guddida wanaag farista iyo Xumaan reebista Somaliland ayaa fariimo wacy’gelin ah u direen guud ahaan dhalinyarada Somaliland.

Masuuliyiinta guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland u waramaayay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa waxay fariimo wacy’gelin ah u direen guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaan waalidiinta iyo ubadkooda.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Marood-jeex guddida wanaagfarista iyo xumaan reebista Somaliland Cawl Xuseen, ayaa dhalinyarada ku waaniyay inay ka dheeraadaan waxyaabaha dhibaatada ku ah diinta islaamka iyo dhaqanka suuban.

Gudoomiyaha guud ee guddida wanaagfarista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Muuse Jaamac Cabdi ayaa soo dhaweeyay hadalkii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka jeediyay magaalada Burco ee ku saabsanaa in talaabo sharciga la marin doono falkii kusiga iyo dilka ahaa ee ka dhacay magaalada Burco, waxaanuu gudoomiyuhu guud soo jeediyay in laga waantoobo falalka ku xun diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee uu kufsigu ka mid yahay.

Gudoomiyaha guud ee guddida wanaagfarista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Muuse Jaamac Cabdi wuxuu sheegay in baraha bulshadu ay saamayn aan fiicnayn ku yeesheen dhaqankii dhalinyarada iyo waxbarashadoodiiba, waxaanuu ku waaniyay inay dhalinyaradu ka feejignaadaan dhibaatada baraha bushadu ay ku yeelan karaan waxbarashadooda iyo horumarkoodaba.

COMMENTS
LINKS