DAAWO:-Siyaasi Axmed Sandoon Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Goobaha Muhiimka Ah Ee Dalka Loogu Magac-Daro Muj Cabdiraxmaan Tuur. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO:-Siyaasi Axmed Sandoon Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Goobaha Muhiimka Ah Ee Dalka Loogu Magac-Daro Muj Cabdiraxmaan Tuur.
October 22, 2020 - Written by Editor:

“Dr Gaboose Waan Ku Raacsanahay In Madaarka Berbera Loogu Magac Daro Muj Cabdiraxmaan Tuur, Iyo Goobo Kale Ee Muhiim Ahba”Siyaasi Sandoon.

HARGAYSA(W.N)-Siyaasi Axmed Sandoon Xasan oo kamid ah Siyaasiyiinta Madaxa banaan ee Somaliland ayaa ka dareen celiyay hadal dhawaan kasoo yeedhay Dr Gaboose oo ahaa in madaarka magaalada berbera loogu magac daro madaxwaynihii Uhoreeyay ee Somaliland Muj cabdiraxmaan Tuur Ahaana gudoomiyihii SNM Ee guushii lagu jabiyay siyaad bare ciidankiisii  keenay taasi sobobtay in gayiga somaliland laga xoreeyo taliskii macangaga ahaa.

Sidoo kale Siyaasi Sandoon ayaa taageeray soo jeedinta Dr Gaboose isagoo xusay in Muj cabdiraxmaan tuur mudan yahay in loogu magac daro madaarka iyo goobaha kale ee muhiim ah ee dalka isagoo faah faahiyay taariikhdii halgan iyo dharaaro uu usoo joogay iyo sidii geesinimada lahayd ee uu Halgan uhogaamniyay isagoo  xidhiidho uu ku lahaa koonfurta somaliya oo markii danbe keentay in jabhadii Gen Caydiid hogaaminayay ay muqdisho qabsato

Dhanka kale siyaasi Axmed Sandoon ayaa dawlada Somaliland iyo madaxda dalka hogaamisa ugu baaqay in siwayn loo xuso taariikhdii halgan ee Muj cabdiraxmaan Tuur .

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS