Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Jsl Oo Dhaariyay Laba Xildhibaan Oo Kamid Noqon Doona Golaha Wakiilada Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Jsl Oo Dhaariyay Laba Xildhibaan Oo Kamid Noqon Doona Golaha Wakiilada Somaliland.
October 22, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa shalay xafiiskiisa ku dhaariyay laba mudane oo buuxiyay jagooyin ka banaanaaday golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse Cige iyo Xasan Xuseen Maxamed Yoonis, ayaa si rasmi ah maanta uga mid noqday, xildhibaanada golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland. Kadib markii Komishanka Doorashooyinka Qaranku Maxkamadda Sare u soo gudbiyay, codsiga lagu dhaarinayo mudanayaashan, oo cadaynaya in ay buuxinayaan jagooyinka ay baneeyeen, marxuumiinta kala ah Cabdikariin Aw-Cali Shabeel iyo Axmed Cabdi Kaahin, oo laga soo doortay gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal waxaanay labada mudane AHN ka tirsanaayeen xubnihii golaha Wakiilada ee Xisbiga UDUB.

Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse Cige(Axmed Ini)- ayaa buuxiyay jagada uu baneeyay AHN Cabdikariin Aw-Cali Shabeel oo ka mid ahaa mudanayaashii xisbiga UDUB ee laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex, maadaama uu ahaa kaydka shanaad (5) ee Xisbiga UDUB ee ku soo xigay jagadaasi, halka xildhibaan Xasan Xuseen Maxamed Yoonis buuxiyay jagada uu baneeyay AHN Axmed Cabdi Kaahin markii komishanku u eegay qodobka 78 ee xeerka guud ee doorashooyinka farqadiisa 4aad oo sheegaya in haddii loo waayo kayd, xisbi kamid ah xisbiyada kuraasta ku leh golaha wakiilada in labada xisbi ee kale looga soo xulayo, iyadoo loo eegayo tiro badnida codadkii ay ku soo baxeen, sidaa daraadeed Xildhibaan Xasan Xuseen Maxamed oo ah kaydka labaad (2) ee ugu tirada badan xisbiga UCID oo laga soo doortay gobolka Awdal ayaa buuxiyay jagadaasi.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali waxa uu kula dardaarmay labada xildhibaan in ay qaranka ugu adeegaan si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

Wa bilaahi tawfiiq.

COMMENTS
LINKS