Daruufaha ku gadaaman qabsoomida shirweynaha Ururka Qareenada Somaliland SOLLA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daruufaha ku gadaaman qabsoomida shirweynaha Ururka Qareenada Somaliland SOLLA
October 22, 2020 - Written by Wariye:
waxaan maqaalkan ku soo qaadanaya qoraal aan kaga hadlaayo xaaladaha ku gadaaman qabsoomida shirweynaha ururka qareenada somaliland {SOLLA }
waxaan si kooban idin kula wadaagi doona Qodobada ay ka midka yihiin kuwa hoos ku xusan.
1. jiritaanka Ururada qareenada Somaliland
2. shaqooyinka iyo wajibaadyada ururka qareenada
3. Daruufaha shaqo ee ku xeeran ururka qareenada
4. Xidhiidhka shaqo ee ururka qareenadu la leeeyahay Haayadaha kale ee Garsoorka
Ururka Qareenada somaliland SOLLA waa urur maxali ah oo ay ay ku midobeen qareenada somaliland , waxaanu u taaganyahay horumarinta adeegyada sharci ee qareenadu bixiyaan.
waxaana aas aasay 60 qareen Tarikhdu markay ahayd bishii Juun 2004, waxaana hada ku midaysan 95% qareenada Somaliland ee ka hawl gala dhamaan gobolada Somaliland
SOLLA waxaa loo igmaday qodobadan hoos ku xusan
 kor u qaadista sumcadda qareennada Somaliland,
 bixinta adeegyada sharci ee bilaashka ah , iyo ilaalinta xaquuqaha qareennada sidoo kale waxay ku ilaaliyaan waajibaadkooda; xaqiijinta helitaanka cadaalad iyo garsoor madax banaan,
 ilaalinta xuquuqda aadamaha
Hogaan kala duwan ayaa soo maamulayey Xiliyo kala duwan .
xiligan waxaa Gudoomiye ka ah maxamed maxamuud xaashi

Garyaqan Maxamed Maxamud Timo
ururka qareenada ee SOLLA qaab dhismeedkiisu waxuu u dhisan yahay
Gudiga Fulinta ah oo ka koobam
 Gudoomiye ururka
 Ku xigeen ururka
 Xoghayaha ururka
dhamaan gudiga fulinta ah waxaa lagu soo doortaa shirweynaha ururka qareenada somaliland oo labadii sanaba halmar dhaca.
ururka waxaa u bixiya ogolanshiyaha xubnaha qareenada ah ee buuxiya sharuudaha qareenimo , waxaa uu tababara xubnaha xusub ee qareenada ee ka soo baxa kuliyadaha sharciga .
sidoo kale dhamaan arimaha maamul ee la xidhiidha qareenada somaliland ururka ayaa fuliya. waxaa uu inta badan ururka qareenada shaqadiisu tahay bixinta adeeyagada sharci.
iyada oo ay xubnaha ururka qareenadu ay dhamantood bixiyaan adeegyo sharci ee kala duwan .
hadaba ururka Qareenada waxaa ku gadaaman Daruufu Dhaqaale taas oo curyaamisay hawlihii shaqo oo uu qaban lahaa ururkani .
ma jiro xusmada bile ah oo ay bixiyaan dhamaan xubnaha ka midka ah ururku ee ku hawlgala xirfada sharci ee ururka taas oo keentay in dakhligii ururku uu noqdo mid aan buurnayn.
sidoo kale jiritaan la,aanta Dallada guud Qareenada waa mid ka mid ah caqabadaha taagan ee ururkan horyaala, waxaana ku xidhan in la sameeyo xeer barlamaan oo lagu aasaaso jiritaankeeda Dallada Guud ee qareenada .
waxayna Dallada guud ee qareenadu kulmin lahayd dhamaan ururada sharci ee ay qareenadu leeyihiin Ururka ugu weyn waxaa uu noqon lahaa ururka qareenada somalilalnd {SOLLA} sidoo kale ururka qareemada ee dumarku { SAWLA} waxaa uu noqon lahaa ururka labaad e Dalladan ka mid ah . ururada kale ee sharci ee ka shaqeeya arimaha sharciga iyana waxaa ay ka mid noqon lahayeen Dallada qareenada .
jiritaan la,aanta dallada guud ee qareenadu waxay keentay in wax miisaniyad ah oo ay ku leeyihiin Misaaniyada Dalka aanay jirin qareenada somaliland.
miisanad dalka waxaa kaliya ee wax ku leh waa ururuda heer qaran kuwaas oo lagu aas aaso xeer barlamaan.
samaynta Dallada Guud ee Qareenadu waxay samaxaysa in la helo dakhli dhaqale oo ay Dalladu ka hesho misaanyada guud ee qaranka.
si loo dhaqaajiyo hawlaha shaqo ee ee ururka qareenada SOLLA , si la mid ah dalladaha kale ee Heer qaran .
helintaan dakhli dhaqaale ama misaaniyad lacageed waa laf dhabarta dhaqajinta hawlaaha shaqo ee horumarinta ururka qareenada somaliland . sida awgeed talaabo kasta oo dakhli dhaqaale loogu samaynayo ururku waa talooboyinka ugu horeeya horyaala Hogaanka Ururuka .
Xubnaha ururku intooda badan waxay ka hawl galaan caasimada Hargaisa sidaa darteed qareenada ka hawl gala waxaa ay dhamaantood hayaan hawl shaqo oo ay ka helaan faaidooyin dhaqaale fiican.
waxayna ku jiraan qareenada somaliland Xirfadlayaasha ugu dakhliga fiican guud ahaa dalka .
waxana taagan Doorashada shir Gudoonka Cusub ee Ururuka qareenada somaliland waana fursad cusub oo aan doonayo , inta aanu bahwadaagta ku nahay ururkan in aan kula wadaago doorka ay qareenadu ku leeyihiin la xisaabtanka Hogaanka ururka Qareenada .
sidoo kale waxaa fursad ah qabsoomida shirweynaha ururka qareenada. waxaana looga faaidaysan kara waxkabadelka xeer Hosaadka Ururka qarenada SOLLA
sidaa darteed waxa mudan ogaanshiyaha habraac loo maraayo qabsoomida shirweynaha oo ay ugu horayso
1. magaabista Gudiga qaban qaabada
2. awoodaha gudiga qaban qaabada
3. sharuudaha xubnaha ka soo qayb galayaa shirweynaha ururka qareenada
4. Helista dakhliga qabsoomida shirweynaha ururka qareenada
5. sharuudaha xubnaha Gudiga Fulinta ah ee ururka qareenada
6. sharuduha Hogaanka Cusub ee ururka qareenada
waa maxay wajibaadka Hogaanka ururka qareenada saraan mudo xileedkooda loo doortay ?
dhamaan xubnaha ururku madaama ay yihiin qareeno ama sharciyaqano qabsoomida shirweynahooda waxaa laga dhex arki doona doorka sharci ee Ururka qareenada
hadii uu shirweynaha uu noqdo mid loo maray habraac fiican laguna doorto Hogaan lagu halayn karo Horumarinta Ururka qareenada, waxa uu kasban doona garab istaaga dhamaan xubnaha ururka . hadii shirweynahu uu noqdo mid madmadaw badan ku qabsooma ,
micno badan soo kordhn maayo , Hogaanka ka soo baxana waxaa laga filanayaa fadhiidnimo aan rajo ahayn.
Qareenada maanta waxaa hortaal fursad cusub oo ay isku imtixaani doonan. si aynu uga gudubno daruufaha ku gadaaman ururka qareenada somaliland . waxaa ina horyaala diyaar garaw adag ka hor qabsoomida shirweynaha ururka qareenada somaliland .
Garyaqaan
Lawyer Mohamed Baashe Hussein
suusabaashe@gmail.com
Tell 634428342
COMMENTS
LINKS