DAAWO;-Suldaanka Subeer Awal Oo Qado Sharaf Ku Maamuusay Madaxdhaqameed Ka Socday Ismaamulka Somalida Itoobiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Suldaanka Subeer Awal Oo Qado Sharaf Ku Maamuusay Madaxdhaqameed Ka Socday Ismaamulka Somalida Itoobiya.
October 22, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Suldaanka guud ee subeer awal oo ay weheliyaan madaxdhaqameedka sacad muuse iyo masuuliyiin kale oo katirsan Somaliland ayaa hadhimo sharafeed ku maamuusay madaxdhaqameed kasoo kicitimay deegaanka ismaaamulka somalida itoobiya.

Madaxdhaqameedka kayimid ee lagu casuumay hargaysa ayaa waxaa hormuud ka ahaa garaad kulmiye iyo garaad bashiir iyo xubno kale

Waxaana casuumadan hadalo soo dhawayn ah kasoo jeediyay suldaan ismaaciil suldaan cabdiraxmaan oo isagu ku hadlayay madaxdhaqameedka Somaliland.

Sidoo kale waxaa hadhimo sharafeedkan ka mahad naqay garaad kulmiye iyo xubno kale oo katirsan waftigii ka socday dawlad deegaanka somalida itoobiya

Ugu danbayntiina waxaa munaasibada qado sharafta ahayd soo gunaanaday suldaanka guud ee beelaha subeer awal oo kalemado soo dhawayn ah madasha ka jeediyay

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS