DAAWO;-Maayarka Magaalada Gabiley Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Xulka Gobolka Uga Gaybgali Doono Koobka Gobolada Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Maayarka Magaalada Gabiley Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Xulka Gobolka Uga Gaybgali Doono Koobka Gobolada Jsl.
October 23, 2020 - Written by Editor:

Maayarka Magaalada Gabiley Oo 3500$ Ugu Deeqay Ciyaartoyga Gobolka, Sheegayna In Ay Waxwalba Diyaar Ula Yihiin,

GABILEY(W,N)-Maayarka Magaalada gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Ayaa hadhimo sharafeed dhiiri galin ah usameeyay ciyaartoyga gobolka gabiley uga qaybgali doona koobka gobolada sida orodada,kubada cagta iyo baaskidka.

Waxaana munaasibada xulka gobolka gabiley lagu gudoonsiiyay dirays uu ugu soo deeqay orodyahanka caanka ah ee MO FARAX.

Sidoo Kale maayarka magaalada gabiley ayaa ciyaartoyga gobolka ugu deeqay 3500dollar kuwaasi oo kamid ah dadaalka ay maamulka dawlada hoose ee gabiley ugu jiraan sidii loo dayreeli lahaa ciyaaryahanada gobolka.

Dhanka kale waxaa munaasibad hadalo ka jeediyay badhasaabka gobolka, maayarka,xildhibaano iyo xubno kale oo kamid ah haldoorka bulshada gobolka gabiley.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS