Sida dibadbaxyada lagu dalbanayay in SARS lagu kala diro ay u badaleen Nigeria | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sida dibadbaxyada lagu dalbanayay in SARS lagu kala diro ay u badaleen Nigeria
October 24, 2020 - Written by Wariye:

Dibadbaxyada loogaga soo horjeedo tacaddiyada booliska ee ka soconayay waddanka Nigeria ayaa waxa ay abuureen dhaqdhaqaaq xooggan oo u muuqanayay inuu gilgilay dadka awoodda haya, hasayeeshee laba todobaad oo buuq ah kaddib, tifaftiraha Laanta Afka Hausa-ha ee BBC-da, Aliyu Tanko, ayaa waxa uu eegayaa halkan meesha loogaga dhaqaaqayo.

Isu soo baxyo waddooyinka lagu dhigayay iyo gadood dhinaca baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ayaa da’yarta Nigeria waxa ay siisay cod meesha ka saaray kala duwanaanshiyaha dhaqanka ee dalkaasi.

Markii hal ku dhigga #EndSARS uu aad u shaacbaxay, ayaa sidaas waxaa lagu caasiyay kooxaha gacanta ku haya siyaasadda dalkaasi.

In la burburiyo goobta sida wayn loo qadariyo ee oba, ama hogaamiye dhaqameedka Lagos, ayaa astaan u aheyd arrintaasi.

Dhalinyarada ayaa meelaha wareejinayay carshigiisa, waxa ay xadeen hantidiisa, sidoo kalana waxa ay ku dabaasheen meesha uu ku dabaalan jiray.

Dibedbaxyada ka dhanka ah Sars

Wax ku bilowday dibadbax loogaga soo horjeedo waaxda booliska ee gaarka ah ee ka hortagta dhaca (Sars) ee la necebyahay ayaa waxa uu noqday dhabihii ay dhalinyarada ku soo bandhigi lahaayeen carada ay u qabaan dadka Nigeria maamulayay muddo tobannaan sanadood ah, waxa ayna dalbadeen in isbadel la sameeyo.

Madaxweynihii hore Olusegun Obasanjo ayaa waxa uu 2017-kii waxa uu ka digay in “dhammaantayo aynu ku dul fadhinno fuusto baaruud ah” markii ay timaado arrimaha dhalinyarada.

Hadalkiisaas waxa uu ula jeeday guud ahaan qaaradda hasayeeshee arrintaas waxa ay saamaynaysaa Nigeria, oo ah dadka ugu dalka badan Afrika laguna qiyaaso dadkiisa 200 oo milyan oo qof, kuwaas oo in ka badan 60% ay ka hooseeyaan da’da 24.

Inta badan dadka gaaray da’da shaqada ma haystaan shaqo caadi ah, fursadaha waxbarasho wanaagsan lagu heli karana waa ay yaryihiin. Bilowgii sanadkan, shaxda dowladda ayaa waxa ay muujisay in 40% dadka Nigeria ay ku nool yihiin saboolnimo.

COMMENTS
LINKS