Maxaa laga Filan karaa Maxsuulka Kasoo Baxaya Safarkii Dhawaa Ee Madaxweyne Biixi iyo Shirkii 4aad Ee Xisbiga Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa laga Filan karaa Maxsuulka Kasoo Baxaya Safarkii Dhawaa Ee Madaxweyne Biixi iyo Shirkii 4aad Ee Xisbiga Kulmiye
October 24, 2020 - Written by Wariye:
(Faalo Kooban iyo Xogaha Lagu Xidhiidhinayo)
Hadii Madaxweyne Biixi, Gudagaley Geedi Siyaasadeed oo Cusub islamarkaana, ku aadan Natiijada kasoo Baxdey Shirkii Xisbiga Kulmiye iyo Socdaalkiisii dhawaa ee Gobolada Awdal, Gabiley,Saaxil,Togdheer iyo Daad-Madheedh sida Loo Saadaalinayo Waxa Maalmihii u Dambeeyay Dadka Siyaasada iyo Wajiyada Cusub ee Maalmahan muuqdey hadalhayaan Waxa loo Badinayaa in uu Xiligan Qorsheystay Isbadel uu Ku Sameynayo Golihiisa Xukuumada oo laga Dheehday dhaqdhaqaaqyadii u Dambeeyay Sida xoguhu u badan yihiin Waxaa dhegta loo Wada taagayaa in uu Isbadel ku Samaynayo Golihiisa Xukuumada kuna soo Kordhinayo Wasaarado Cusub iyo Wasiiradooda oo hada isku Raran Sidoo Kalena, Meesha ka Saarayo Xubno kamid ah Raga hada ugu Cadcad Golihiisa Xukuumada.
Hadalhaynta ugu badan ayaa, la Filayaa in uu Marka hore Damacsan yahey isku Shaandheyn, uu Ku Samayanyo Golaha Xukuumada oo ay ugu horeyso kala Saarida Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Golaha Xukuumada, marka laga Reebo isaga oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Waxa uu Xisbiga u Celinayaa, Raga Hogaanka Kamidka ah ee hada kujira Golaha Xukuumada Sida Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo ah Kuxigeenka Koowaad ee Gudoomiyaha Xisbiga, iyo Wasiirka Ganacsiga oo isna ah Gudoomiye Kuxigeenka Afaraad ee Xisbiga si ay Wehel ugu Noqdaan Labada Kuxigeen ee 2aad iyo 3aad oo Golaha Xukuumada Banaanka ka jooga, Waana Sababta uu uga joojiyay In uu Kusoo daro Hogaanka Xisbiga Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo loo hadalhayay Gudoomiye/Kuxigeenka Sadexaad.
Waxa kale oo kale oo Xogaha Saadaashu si aad ah u hadalhayaan, in uu Xusbiyahandii Hore uga Tirsanaa Xukuumadii hore kala soo hadhayo Rag Door ah Sida Cali Mareexaan oo la Filayo in uu kusoo daro Golihiisa Wasiirada iyo Waliba Rag dalka Magac weyn ku leh oo uu Kasoo Qaadanayo Gobolka Awdal Khusuusan Beesha uu kasoo jeedo Wasiir Saajin, umalayn Maayo Dadka lahadalhayo in uu kujiro Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Saleebaan Axmed Guuleed, Waxa kale oo Loo badinayaa in uu Xukuumadiisa kusoo kordhinayo Xilal Cusub oo ah Wasiiru-Dawlayaal iyo Wasiir Kuxigeeno.
Wasaaradaha la filayo in uu Dib ukala qaadi doono Madaxweyne Biixi ayaa lagu wadaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha, iyo Wasaaaradii Kaluumaysiga, iyo Waliba Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska iyo Wasaarado kale.
Majirto Cid la tuhunsan yahey, oo hadii ay dhacdo In uu Golihiisa Xukuumada Banaanka ka dhigo, ka deyrin Karta qorshayaasha Cusub ee uu Kusoo kordhiyo Xukuumada iyadoo Dhawaana lq Filayo in uu Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye u Samayanyo Hogaan Cusub oo kala ah Gudoomiyaha Golaha Dhexe, Gudoomiye/Kuxigeenka iyo Xoghayaha…
8
5 Comments
3 Shares
Like

Comment
Share
COMMENTS
LINKS