Madaxwayne Biixi Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyay!
October 24, 2020 - Written by Editor:

WAREEGTO MADAXWEYNE: 24 /10/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-565/102020 iyo JSL/XM/WM/222-566/102020 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Sahal Maxamed Jaamac;

Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:        La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1.Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar          Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

2.Maxamed Xasan Dirir Maxamuud        Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha .

3.Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli        Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

4.Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga.

5.Maxamed Geeddi Caynaanshe    Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

6.Xamse Suldaan Aadan Faarax      Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS