“Labadan Diyaaradood Waxaa Laysku Raacsan Yahay In Ay Sharci Inoogu Yimaadaan, Sida Ka Aynu Ku Wada Shaqayno Ethopian Airline Oo Kale..”Wasiir Sacad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Labadan Diyaaradood Waxaa Laysku Raacsan Yahay In Ay Sharci Inoogu Yimaadaan, Sida Ka Aynu Ku Wada Shaqayno Ethopian Airline Oo Kale..”Wasiir Sacad.
October 24, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka wasaarada maaliyada somaliland Sacad Cali Shire ayaa wax laga waydiiyay halka uu ku danbeeyay heshiishkii somalland la gashay shirkada DPW Ee Dekeda Berbera  isagoo sheegay in karada laga qaado ay xukuumadu kusoo Iibsatay Taagaga maraakiibta soo xidha ee dekeda berbera

Sidoo kale wasiir sacad ayaa wax laga waydiiyay dhaqaale ay dalka soo galin jireen labada diyaaradood oo xukuumada xayirtay ee FLY Dubai iyo Al carabiya oo uu sheegay in Somaliland faa,iido ku qabtay balse shirkadahan looga baahayahay in ay sharci inoogu yimadaan xukuumadana la galaan heshiishka ay kula jiraan ITOOBIYAAN AIRLINE IYO KUWO KALE EE SOMALILAND YIMAADA.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS