Dowladda Itoobiya Oo Maraykanka Ka Dalbatay Faah Faahin Khusaysa Hadal Kasoo Baxay Madaxweyne Donald Trump. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Itoobiya Oo Maraykanka Ka Dalbatay Faah Faahin Khusaysa Hadal Kasoo Baxay Madaxweyne Donald Trump.
October 24, 2020 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Mr. Donald Trump oo hadal ka jeediyey kulan lagu shaaciyey go’aan Uu waddanka Suudaan qaatay oo ah inuu cillaaqaad Diblomaasiyadeed oo toos ah la yeesho Israa’iil Maalintii Jimcaha ee bishu ahayd 23 October 2020, ayaa sheegay in Dowladda Masar ay qaadi karto Weerar lagu qarxiyo dhaamba Biyo-xidheenka ah ee Itoobiya ka dhisayso webiga Niilka, Waxaannu Madaxweyne Donald Trump intaas ku daray in Itoobiya ka baxday heshiisyo kala duwan oo lagu Doonayo in Lagu xalliyo khilaafka khuseeya biyo-xidheenka ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka oo khadka Telefoonka si wada-jir ah ugula hadlay Ra’iisal-Wasaarayaasha Suudan iyo Israa’iil, waxa uu caddeeyey in dowladda Masar ay si Aad ah uga walaacsan Tahay dhismaha biyo-xidheenka GERD, Isla markaana ay gar u leedahay arrintaas, sidaa darteedna ay Maskaxda ku haysato waxyaabo kale oo ah inay suurtogal tahay Inay qaado weerar lagu burburinayo Biyo-xidheenkaas, waxaannu Ra’iisal-wasaaraha Suudaan ka codsaday inuu isku dayo sidii wax looga Qaban lahaa arrinta u dhexaysa Masar iyo Itoobiya, isagoo xusay in Maraykanku dhaqaale kala duwan ka jaray dalka Itoobiya, kadib markii sida uu sheegay ay ka baxday heshiisyo lagu xallin karayey khilaafka biyo-xidheenka.

Hasayeeshee, dowladda Itoobiya ayaa aad uga cadhootay Hadalkaas ka baxay Madaxweyne Donald Trump, iyadoo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr. Gedu Andargachew uu Maanta (Sabti, 24 October 2020) uu u yeedhay Safiirka Maraykanka u fadhiya Addis Ababa Ambassador Mike Raynor, Isagoo codsaday in dowladda Itoobiya ay doonayso faahfaahin Dheeraad ah oo khuseeya hadalka Madaxweyne Donald Trump Oo ay Itoobiya u aragto inuu ahaa mid halis ku ah amnigeeda Qaranka.

Halkan Ka Daawo Hadalka Madaxweynaha Maraykanka Ee ka Cadhaysiiyey Itoobiya;

HALKAN KA AKHRI WARKA KASOO BAXAY DAWLADA ITOOBIYA EE MARAYKANKA FAAH FAAHIN HADALKII TRUMP AH KAGA DALBATAY;
https://www.ena.et/en/?p=17916

COMMENTS
LINKS