Xujadii Laysku Xajiimaynayay Warkeedu Saw Muu Caddaan!!Prof Cabdi Cali, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xujadii Laysku Xajiimaynayay Warkeedu Saw Muu Caddaan!!Prof Cabdi Cali,
October 24, 2020 - Written by Editor:

Innamadii Xalay isoo waydiiyay imaatinka Maxamed sidii aan anigu dawladda haysto, waxan ku idhi yaynaan degdegin ee warku ha inoo soo wada baxo; immika waxay u egtahay in ay caddaatay in Maxamed aanu wali iman ee uu rabo in uu yimaado; waxana wararku immika sheegayaan in uu iska casilay xilkii, cafisna dalbaday; haddii ay sidaa tahay (to be confirmed), taasi miyaanay la mid ahayn sidii loo sameeyay kuwii ka horreeyay.

Haddaba, innamadii waxan odhan lahaa waaba intaas arrinku ye maxaa dadkeena u kala qaybqaybinaysaan! ma waxa leedihiin ha lagu xidho Maxamed shuruudo dheeraad ah oo aynaan ku xidhin kuwii ka horreeyay! Iska dhaaf M/weynaashii hore, ma ogtahay in Xukuumaddan M/W Muse  lafteedu ka aqbashay cafis Mr Ridwaan oo isna isla xilkan Raisal wasaare ku xigeenka soo qabtay; habeen habeenda ka mid ah ayaanu ku kulanay Ambassador! yaa is waydiiyay! yaa ka buuqay?!

Waxay i xasuusisay tani sheekadii aan kaga tagay shaqada! haddii aad jeclaysato uun in uu M/weyne Muse iskaga ciiro nin kasta oo ay isku hayb yihiin; dee miyaanay dulmi ahayn waxan aad ku istareexaysaa; ka sii darane, xataa haddii uu sidaa kuu sameeyo, wali waad caayaysaa; anigu waxan qabaa haddii uu ku maqlo ama dantiinuba isku dhacdo iyadoo midkiin ba muraad gaar ah ka leeyahay adiga iyo isaguba dulmi weeye waxa aad samaynaysaan! sinnaanta macnaheedu waa equality for all!! Sharciga iyo maamulka suuban ee aad raadinaysaa haddiiay kaa dhab tahay ma yaqaan mid aad saaxiib tihiin ama isku hayb tihiin iyo mid kale!

Waxan ku soo gunaanadayaa, iga qora, waxa ka xun kuwa xilalka u doontay Xamar kuwa innaga dhex wada iskudirka iyo kala fogaynta dadka; Ilaahay wu idin ogyahay ee waxan filayaa in immika dadkiina idin ogaadeen!

QALINKII; Prof cabdi Cali Cabdo; equality for all!

COMMENTS
LINKS