DAAWO;-Maamulka Gobolka Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Xarun Caafimaad Oo Laga Hirgaliyay Deegaanka Caada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Maamulka Gobolka Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Xarun Caafimaad Oo Laga Hirgaliyay Deegaanka Caada.
October 25, 2020 - Written by Editor:

CAADA(W,N)-Wafti uu hogaaminayo badhasaabka gobolka gabiley Oo ay Weheliyaan Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka, Maayarka magaalada gabiley iyo masuuliyiin kale ayaa maanta xadhiga ka Jaray xarun caafimaad  oo laga hirgaliyay deegaanka caada ee gobolka gabileykaasi oo ay dhismaheeda Iska kaashadeen dadka deegaanka,qurba joogta iyo maamulka dawlada hoose ee gabiley oo gacan ka Gaystay.

Waxaana ugu horay ka hadlay qurba joog,xildhibaan katirsan dawlada hoose ee gabiley , salaadiyiin  iyo cuqaal.

Sidoo kale waxaa xadhig ka jarka xaruntan caafimaad ee caada ka hadlay maayarka magaalada gabiley oo isagu umahad celiyay cidkasta oo gacan ka gaysatay hirgalinteeda.

Maayarka magaalada gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa sheegay ka maamul ahaan in ay ka dawlad hoose ahaan bixin doonaan mushaharka 5qof oo ka hawlgali doona xarunta caafimaad ee deegaanka caada.

Dhanka kale waxaa isna munaasibad hadalo ka jeediyay Agaasimaha Guud ee wasaarada caafimaadka badhasaabka gobolka gabiley oo dhamaantood bogaadiyay dadka ka qayb qaatay hirgalinta xaruntan caafimaad,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA  WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS