WAJAALE NEWS

DAAWO;-Badhasaabka Gobolka Gabiley Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Kormeer Ku Tagay Degmada Agabar.

AGABAR(W,N)- Wafti Uu Hogaaminayo badhasaabka gobolka Gabiley oo ay Weheliyaan maamula dawlada hoose ee gabiley Ayaa maanta kormeer ujeedadiisu tahay ukuur galinda Baahiyaha kala duwan ku tagay degmada agabar ee gobolka gabiley.

Waxaana Waftigan Ay soo dhawayn diiran kala kulmeen maamulka degmada Agabar,shacabka ku dhaqan Iyo waxgaradka Deegaanka kuwaasi oo caleemo qoyan la taagnaa duleedka magaalada agabar.

Badhasaabka gobolka gabiley iyo Maayarka gabiley ayaa xadhiga ka jaray dayr lagu kordhiyay xanaanada magaalada agabar Oo ay qayb wayn ka qaadatay dawlada hoose ee gabiley.

Sidoo kale waftigan ayaa dhagax dhigay xarunta maamulka degmada agabar iyo goobo kale oo muhiim ah.

Dhanka maayarka magaalada Gabiley ayaa ka hadlay mashaaricda kala duwan ee ay ka maamul ahaan a hirgaliyeen degmada Agabar.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

Exit mobile version