Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoyska Iyo Shacabka Uu Ka Baxay Marxuum Saleebaan Aamin Oo Ku Geeriyooday Hargaysa . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoyska Iyo Shacabka Uu Ka Baxay Marxuum Saleebaan Aamin Oo Ku Geeriyooday Hargaysa .
October 28, 2020 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 28/10/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, ganacsatada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Saleebaan Aamiin Cige oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 28/10/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadkaba, kana mid ahaa waayeelkii kaalinta muhiimka ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, ganacsatada, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS